dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee kaalayoo bal dhegayso .
Dhaqane:Madaxweynuu hada ma bilaa dhaar baa?Dee ha lagu dhaariyo inaanad Saleebaan wax u sheegin ma walaahi baa?
Dhaashane:Ma madaxweyne toban goor la dhaariyuu arkay?sowtii hore loo dhaariyey.
Dhaqane:Waar waxaa iga daayoo ,waxan ku waydiiyey.Madaxweyne ku xigeenka ma wasiiradan kii idiin nacam layn waaya aa eryeysaan baad u haysataan?Miyeydaan ogeyn in ninka sida madaxweynaa la soo doortay?
Dhaashane:Ma khuraafaadkii ay meelahaa ku qorqorayeen baad run mooday?Waar wax dhib
ihi ma jiraan adeer.
Dhaqane:Dee horta dhib taydaan aqoonba .Nimankiina madaxweyne ku xigeenkaa miskiinka ah haysta Faroolii al shabaab idinku sheegayna jeebada ku sitaa.Ma Osman hindaa soo kaxeeyey?
Dhaashane:idinka xildhibaan xaamud baa si fiican idiin qarxiyey.Xataa waa diideen inaa dhegaysataan.
Dhaqane:Qaar badan oo gadh cas cas horaanu u aragnay adeere waxan ku waydiiyey Hassan sheekh miyaa ka baqdaan horta ? Maxaa ugu jawaabi waydaan?
Dhaashane:Adeerow nin aanaan is aqoon afka ha isu kaayo gelinine waxaan ku waydiiyey :Isla daalee maxaa inoo dan ah?
Dhaqane:Wuxuu yidhi abwaan magabade:
Haduu guri dhurwaa leeyahuu
Dhicida dayn waayo
Dhan aad uga rartaba
Reerka waa laga dhaqaajaa
Hadaad dhabar adayg uun tidhaa
Waad ku dhacantaa.
Dhaleecaba markay soo baxdaa
Lagaga dhiijaaye
Haddii nabar afkuun
Laga dhayo dhidina hooseeyo
Waxa dhab ah abdow
Maalintaa dhimatay guushii
Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden
Sweden