
Magaalada Mekelle waxa saaka ka bilaabmay shir ay leeyihiin hoggaanka sare ee TPLF oo go’aan ka gaadhaya dhismaha dawladda iyo maamulka ay sheegeen in ay dib usoo ceshanayaan.
Shirkan oo hal-ku-dheg looga dhigay: “‘Dawladdeenna shacabka ah waa u diyaargarowga difaaceenna,’ ayaa la sheegay in ay kaga tashanayaan sidii ay u dooran lahaayeen hoggaanka cusub ee uu deegaanku yeelan doono, iyo dejinta go’aamo masiiri ah oo ay ka mid yihiin, u diyaar-garowga dagaal la filayo inuu ka bilowdo deegaankaas.