Madaxweynuu Hada Ma Bilaa Dhaar Baa ?Dee Ha Lagu Dhaariyo Inaanad Saleebaan Gaal Wax U Sheegin Ma Walaahi Baa?

0

dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa  ku dhamaadee kaalayoo bal dhegayso .

 

Dhaqane:Madaxweynuu hada ma bilaa dhaar baa?Dee ha lagu dhaariyo inaanad Saleebaan wax u sheegin ma walaahi baa?

 

Dhaashane:Ma madaxweyne toban goor la dhaariyuu arkay?sowtii hore loo dhaariyey.

 

Dhaqane:Waar waxaa iga daayoo ,waxan ku waydiiyey.Madaxweyne ku xigeenka ma wasiiradan kii idiin nacam layn waaya aa eryeysaan baad u haysataan?Miyeydaan ogeyn in ninka sida madaxweynaa la soo doortay?

 

Dhaashane:Ma khuraafaadkii ay meelahaa ku qorqorayeen baad run mooday?Waar wax dhib


ihi ma jiraan adeer.
 

Dhaqane:Dee horta dhib taydaan aqoonba .Nimankiina madaxweyne ku xigeenkaa miskiinka ah haysta Faroolii al shabaab idinku sheegayna jeebada ku sitaa.Ma Osman hindaa soo kaxeeyey?

 

Dhaashane:idinka xildhibaan xaamud baa si fiican idiin qarxiyey.Xataa waa diideen inaa dhegaysataan.

 

Dhaqane:Qaar badan oo gadh cas cas horaanu u aragnay adeere waxan ku waydiiyey Hassan sheekh miyaa ka baqdaan horta ? Maxaa ugu jawaabi waydaan?

 

Dhaashane:Adeerow nin aanaan is aqoon afka ha isu kaayo gelinine waxaan ku waydiiyey :Isla daalee maxaa inoo dan ah?

 

Dhaqane:Wuxuu yidhi abwaan magabade:

Haduu guri dhurwaa leeyahuu

Dhicida dayn waayo

Dhan aad uga rartaba

Reerka waa laga dhaqaajaa

Hadaad dhabar adayg uun tidhaa

Waad ku dhacantaa.

Dhaleecaba markay soo baxdaa

Lagaga dhiijaaye

Haddii nabar afkuun

Laga dhayo dhidina hooseeyo

Waxa dhab ah abdow

Maalintaa dhimatay guushii

 

Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden

Sweden