Shirkadaha caalamiga ah ee Qandaraska ku Yimid Somaliland oo Shaqadii ka Qaday Shirkadihii wadaniga ahaa,
Shirkada Wayn ee NAEL&BIN HARMAL oo Qanadaars ku qaadatay Dibu Dhiskii Garoonka Diyaaradaha Berbera ee Imaraadku ka Dhigtay Saldhiga Milatari Iminkana waxday Qaadatay Qandaraskii labaad ee dhisida wadaad Berbera Corridor ayaa biloowday in aay ka cidhiidhsato kana qaado shirkadihii wadaniga ahaa dhisidii lamiyada, yar yar e gudaha berbera
Shirkadani Waxay dhawaan biloowday in aay debada usoo saarto qalabkeedii dhisida wadooyinka waxaany xiligan ka shaqaynayan wadooyin laga dhex dhisayo xarunta kaamboolka haamaha shidaalka ee shirkada dahabshiil leedahay, waana nasiib daro wayn in shirkad qaadatay qandaras malaayiin doolar ah ay culays ku abuurto shirkadihii lookal ahaa ee danaynayay inay shaqooyinkaa yar yare e noocaas ah tar tan u galaan oo ay ka shqeeyaan,
Hadaba waxa Iswaydiin leh yaa u fasaxay in aay shaqooyin ka qabtan gudaha berbera iyadoo muwaadinkii xaqa u lahaa taagan yahay, ma wasaarada Horumarinta gaadiidka iyo Wadooyinka ayaa liisan wadani ah siisay mise maamulka gobolka saaxil ayaa fasaxa u siiyay shirkadan ajaniga ah ee shaqadeedu ahayd gudaha erri boodhka berbera, Mida Kale Madaxda Shirkadan oo Markii Horeba aay Siwayn Uga cabanayeen Shaqaa;aha Muruqmaalka ah oo Laha Shaqadii ayuu Naga Fanashay kadibna Ajaanabi nagu bedelay in hadana aay ka cawdaan shirkadihii dhisi jiray wadooyinka ee muwaadiniinta ahaa ,
Dhawaan ayaay hayad markii aay cabashooyin isdaba jooga iyo qaylo dhan direen shaqaalaha hoosaadka farsmada gacanta ka shqeeyaa iyagoo ka askatoonaya shaqale ajanai ah oo debada laga keenay kuwaasoo aay sheegeen muwaadiniintani in shaqadoodii hoose looga qaaday oo aay bila camal noqdeen,
Arinkana cabashada ahaa aya aakhirkii dhalay in aay gacan ka hadal sameeyaan markii xukuumada gobolka iyo ta sareba waxba codkoodii la dhegaysan wayay,