Shirkadaha caalamiga ah ee Qandaraska ku Yimid Somaliland oo Shaqadii ka Qaday Shirkadihii wadaniga ahaa,
Shirkada Wayn ee NAEL&BIN HARMAL   oo Qanadaars ku qaadatay Dibu Dhiskii Garoonka Diyaaradaha Berbera ee Imaraadku ka Dhigtay Saldhiga Milatari Iminkana Qaadatay Qandaraskii labaad ee dhisida wadaad Berbera Coorindoor ayaa biloowday in aay ka cidhiidhsato kana qaado shirkadihii wadaniga ahaa dhisidii   lamiyada, yar yar e gudaha berbera
Shirkadani Waxay dhawaan biloowday in aay debada usoo saarto qalabkeedii dhisida wadooyinka waxaany xiligan ka shaqaynayan wadooyin laga dhex dhisayo xarunta kaamboolka haamaha shidaalka ee shirkada dahabshiil leedahay, waana nasiib daro wayn in shirkad qaadatay qandaras malaayiin doolar ah ay culays ku abuurto shirkadihii lookal ahaa ee danaynayay inay shaqooyinkaa yar yare e noocaas ah tar tan u galaan oo ay ka shqeeyaan,
Hadaba waxa Iswaydiin leh yaa u fasaxay in aay shaqooyin ka qabtan gudaha berbera iyadoo muwaadinkii xaqa u lahaa taagan yahay, ma wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka ayaa liisan wadani ah siisay mise maamulka gobolka saaxil ayaa fasax u siiyay  Shirkadan Nael & Bin Harbal oo Shaqdeedu ahayd Gudaha garoonka Diyaaradha oo kaliya ,
waxa hadana Iswaydiin leh Madaxda Shirkadan Ajaniga ah ee ka shaqaynayaay garoonka diyaaradha berbera oo Horeba aay uga vabanyeen shaqalaha muruqmaalka ah  maanatana waxaa ugu biirtay shirkadaha wadooyinka dhisa oo  leh shaqadii anu haynay ayay naga qaadeen oo qandarasyadii  gudaha berbera  laga bixinayay ayay sharci daro ku qaateen taas oo  aan sababteeda la garanayn,
Dhawaan ayaay hayad markii aay cabashooyin isdaba jooga iyo qaylo dhan direen shaqaalaha hoosaadka farsmada gacanta ka shqeeyaa iyagoo ka askatoonaya  shaqale ajanai ah oo debada laga keenay kuwaasoo aay sheegeen muwaadiniintani in shaqadoodii hoose looga qaaday oo aay bila camal noqdeen,
Arinkana cabashada aya aakhirkii dhalay in aay gacan ka hadal sameeyaan markii xukuumada gobolka iyo ta sareba waxba codkoodii la dhegaysan wayay,
HOOS KADAAWO