9 Qof oo Ku dhintay Laba Qarax oo ka Dhacay Muqdisho

0
Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dimatay laba weerar oo kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

Weerarka hore ayaa ka dhashay baabuur ay waxyaabaha qarxa ka buuxaan oo la dhigay agagaarka cisbitaalka Somali-Sudanese ee magaalada Muqdishu.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay baabuurklaasi joojiyeen kadibna ay ku amreen qof saarnaa inuu kasoo dago balse diiday amarka ciidanka.

Ciidanka ayaa rasaas furay kadibna waxaa qarxay baabuurka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobjoogayaasha.

Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay, shan kalena way ku daawacantay kuwaasi oo saddex ay ka tirsan yihiin ciidamada booliiska.

Dhinaca kale baabuur ay saaranaayeen maleeshiyo ka tirsan urruka Al-Shabab ayaa isku dayey inuu xoog ku maro bar kontrool oo ku taalla Seey-Biano waxaana la sheegayaa in halkaas rasaas ay isku weydaarsadeen ciidamada amniga iyo maleeshiyada Al-Shabab.

Askari iyo laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen, mid kalana uu baxsaday.