Berbera, Daawo, Dhirkada calamiga ah ee NAEL& Bin Harbal oo Sharciga Jabisay Qandaraasyo Wadooyin ahna ka samaynaysa Gudaha Berbera

0

Shirkadaha caalamiga ah ee Qandaraska ku Yimid Somaliland  oo Shaqadii ka Qaday Shirkadihii  wadaniga ahaa,

Shirkada Wayn ee  NAEL&BIN HARMAL    oo Qanadaars ku qaadatay  Dibu Dhiskii Garoonka Diyaaradaha Berbera ee Imaraadku ka Dhigtay Saldhiga Milatari  Iminkana waxday  Qaadatay Qandaraskii labaad ee dhisida wadaad Berbera Corridor  ayaa  biloowday in aay ka cidhiidhsato kana qaado shirkadihii wadaniga ahaa  dhisidii   lamiyada, yar yar e gudaha berbera

Shirkadani Waxay dhawaan biloowday in aay debada usoo saarto qalabkeedii dhisida wadooyinka waxaany  xiligan ka shaqaynayan wadooyin laga dhex dhisayo  xarunta kaamboolka haamaha shidaalka ee  shirkada dahabshiil  leedahay, waana nasiib daro wayn  in shirkad qaadatay qandaras malaayiin doolar ah  ay culays ku abuurto  shirkadihii lookal ahaa ee danaynayay inay  shaqooyinkaa yar yare e noocaas ah tar tan u galaan oo ay ka shqeeyaan,

Hadaba waxa Iswaydiin leh yaa u fasaxay in aay  shaqooyin ka qabtan gudaha berbera iyadoo muwaadinkii xaqa u lahaa taagan yahay, ma wasaarada Horumarinta gaadiidka iyo Wadooyinka ayaa liisan wadani ah siisay mise maamulka gobolka saaxil ayaa fasaxa u siiyay shirkadan ajaniga ah ee  shaqadeedu ahayd gudaha erri boodhka berbera, Mida Kale Madaxda Shirkadan oo Markii Horeba aay Siwayn Uga cabanayeen Shaqaa;aha Muruqmaalka ah  oo Laha Shaqadii ayuu Naga Fanashay kadibna Ajaanabi nagu bedelay in hadana  aay  ka cawdaan shirkadihii dhisi jiray wadooyinka  ee muwaadiniinta ahaa ,

Dhawaan ayaay hayad markii aay cabashooyin isdaba jooga iyo qaylo dhan  direen shaqaalaha hoosaadka farsmada  gacanta ka shqeeyaa iyagoo ka askatoonaya  shaqale ajanai ah oo debada laga keenay kuwaasoo aay sheegeen muwaadiniintani in shaqadoodii hoose looga qaaday  oo aay bila camal noqdeen,

Arinkana cabashada  ahaa  aya aakhirkii dhalay in aay gacan ka hadal sameeyaan markii xukuumada gobolka iyo ta sareba waxba  codkoodii la dhegaysan wayay,