Wasiirkii Kenya ee gabadh Soomaali ah waydiiyay inay Al-shabaab ka socoto oo go’aan laga gaaray

0

Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa sheegay in uu “madaxa usoo dhiibtay wasiirka Waxbarashada Kenya, George Magoha, uuna ka dalbaday in ay wax walba ku xukumaan, kaddib markii ay caro xoog leh ka dhalatay hadal uu ku yiri gabar Muslim ah oo Soomaali ah.

Magoha ayaa isbuucii lasoo dhaafay gabadhan oo lagu magacaabo Ruqiya Buulle oo ka tirsan wariyeyaasha telefishinka NTV wadiiyay in ay ka socoto Al-Shabaab, ka hor inta uusan uga jawaabin su’aal ay waydiisay.

Madaxda Muslimiinta iyo Golaha sare ee Culimada Kenya ayaa ka fal celiyay arrinta uu sameeyay wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu “ku xad gudbay gabadha wariyaha ah uuna ka hayb soocay suxufiyiintii kale”.

Muxuu yahay go’aanka laga gaaray?

Barfasoor Magoha ayaa sheegay inuu ka qoomameeyay erayada uu ku yiri Ruqiya Buule, isagoo si shakhsi ah u raalligeliyay wariyaha ka tirsan NTV, maadaama uu la xiriiriyay urur loo aqoonsaday argagixiso.

 

Waxa uu wasiirku kulan la yeeshay koox Muslimiin ah oo uu hoggaaminayay Xasan Ole Naado, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Golaha Muslimiinta Kenya, oo magaciisa loo soo gaabiyo “SUPKEM”.

“Annagoo ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa la kulannay wasiirka, waxa uuna raalligeliyay wariyaha ay hadalladiisa saameeyeen, bulshada Muslimiinta ah iyo guud ahaan shacabka Kenya,” ayuu yiri Ole oo la hadlay warbaahinta ay ka howlgasho Ruqiya.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil, oo xubin ka ah Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in go’aan lagu gaaray in la cafiyo wasiirka, maadaama uu isasoo dhiibay.

“Madaxdii, aqoonyahankii, odayaashii, raggii iyo dumarkii u tagay ninkaas markaan ra’yigoodii cabiray wax aan ku qanco ayay noqotay raalligelinta uu ninkaas bixiyay,” ayuu yiri.

“Ninkii markii uu madaxa soo dhigtay oo uu yiri, ‘gabadha waa gabadheyda, hadalkana sidaas ugama aanan jeedin’, ayna u marqaati fureen dad isaga gaar ula shaqeeyay wuxuu nagu yiri, ‘idinku maanta i xukuma.

“Marka haddiiba uu qofkii raalligelintaas bixiyay, dadkiina madax iyo manjaba qabtay dabcan waa lagu qancay.”

Hase ahaatee waxa uu Cabdiraxmaan sheegay in wasiirka uu hadalkiisii ku tilmaamay mid kaftan ahaa, balse iyagu ay u arkaan in arrintu ay ahayd “wax aan kaftan galin”.

Waxa uu intaas ku daray in ay ku qanacsan yihiin xaalmarinta sidaas darteedna go’aan lagu gaaray in la cafiyo George Magoha.

 

Ruqiya Buulle, oo ah wariye ka tirsan telefishinka NTV ayuu wasiirka raalligeliyay

Wasiirka Waxbarashada ayaa madaxda Muslimiinta ah u caddeeyay in haddii xitaa ay ku qancayaan in uu madaxweynaha Kenya u tago oo uu xilka iska casilo uu ku dhaqaaqayo tallaabadaas, sida uu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay hadal-hayn badan iyo caro xoog leh ka dhalatay muuqaal si wayn u faafay oo laga arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay.

“Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al Shabaab ka socoto, kama jawaabi doona su’aashaada,” ayuu yiri wasiir Mogoha.

Xilligaas waxa uu ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Siyaasiyiinta Muslimiinta qaarkood oo si kulul uga hadlay arrintaas ayaa markaas dalbaday in wasiirka laga qaado xilka.