Musharax Cirro oo safar deg deg ugu baxay dalka Itoobiya

0

 Hargeysa  [Biyoguure News] Musharaxa Maaxwayne ee xisbiga wadani mudane Cabdiraxman maxamed cabdilaahi  Cirro ayaa safar aan lasii shaacin ugu amba baxay dalka Ethiopia  lamana   oga ujeedada ama qasdiga uu xiligan ku tagay  Addis abab mudane cabdiraxmaan cirro, sidaynu og nahayna  Arimaha siyasada ee ku qotoma doorshooyinka ayaa khilaaf ka taagnaa dhowrkii bilood ee ina soo dhaafay iyadoo wadhadalo toosa iyo kuwo  lagu dhex jirayba ay waxba kasoo bixi waayeen halka mucaaradka somaliland taagan yihiina tahay in doorashii madaxtinimada la qabto 13 November ee sanadkan 2022 xukuumada uu hogamiyo madaxwayne biixina ay istaagtay  in Ururada siyaasada la furo kadibna sadexda xisbi ee soo hadha galan taratnka madaxtooyada,,

dhawaaan ayaana musharax cabdiraxman cirro ugu baaqay taageryaasha lixda gobol ee xisbigiisa wadani in ay mudaharad ka dhigaan  arinka furista ururada siyasada oo dastuurku jideeyay in 10 sano,ba mar la furo,

murankn siyaasadeed  ayaan la garnaynin goorta uu sal dhigan doono maalmaha iyo bilaha soo socda,waxase xusid mudan in xili kasta oo doorsho ka dhacayso somaliland uu buuq la mida kan uu dhaco aakhirkana laga heshiiyo oo meel dhexe oo an tanaasul ka madhnayn laysugu yimaado, waxa kaliya ee kaydka hadalka iyo mareegaha baraha  bulashada galana ay yihiin hadlada taariikhda xumeeya ee hadhow markhaatiga kugu noqda illayn labo qof ma tihid ee qofkii ayuunbaad tahaye