Dalka Islaamka ah ee tiro badan oo haween ah dil ku fuliya

0

Dowladda Iiraan ayaa saddex haween ah Arbacadii ku fulisay xukun dil ah iyagoo loo heysto inay dileen nimankooda, sida ay sheegtay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha.

Sida laga soo xigtay hay’adda Human Rights Group ee dalka Iiraan, waxay haweenkan ka mid yihiin 32 qof oo toddobaadkii la soo dhaafay keliya lagu dilay dalkaas.

Waxaa sidoo kale ku jiray haweenkan gabar nin loo guuriyay markii ay 15 jir ahayd, kaddibna lagu xukumay inay dishay ninkeeda.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay dardar gelisay fulinta xukunnada dilka ah, iyadoo sanadkan dad badan dil ku fulisay si labalaab ka badan sanadihii hore.

Warbixin ay soo saareen kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in Iiraan ay dil ku fuliso haween badan marka loo eego dalalka kale ee adduunka, badankoodna waxaa loo maleynayaa in lagu helay eedeymo ah inay dileen seygooda.

Arbacadii, Human Rights Group ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in Soheila Abadi oo iyadoo 15 jir ah nin loo guuriyay lagu xukumay dilka ninkeeda oo ay is qabeen 10 sano.

Maxkamadda xukunka ridday ayaa laga soo xigtay inay sheegtay in dilka uu ku saleysnaa “muranno qoys.”

Labo haween oo kale ayaa Arbacadii lala dilay Soheila oo iyaguna lagu eedeeyay inay nimankooda dileen, sida ay hay’addu sheegtay.

Iiraan waxay dil ku fulisay haween badan marka la eego dalalka dunida

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in inta badan kiisaskan ay ku lug leeyihiin dacwado la xiriira tacaddiyada qoysaska ka dhex dhaca balse aysan maxkamadaha Iiraan xisaabta ku darsan.

Weli lama oga tirada rasmiga ah ee dadka xukunka dilka ah lagu fuliyo iyadoo dowladda Iiraan aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin kiis walba marka la fulinayo xukunka dilka ah.

Sida laga soo xigtay baaritaan ay natiijadiisa soo bandhigeen April labo hay’ad oo xuquuqda aadanaha u xooda, keliya 16.5% dilalka oo sanadkii hore Iiraan laga fuliyay ayaa la rumeysan yahay inay shaacisay dowladda.

Wararka sanadkan dalkaas laga helay ayaa sheegaya inay kordheen dilalka dadka lagu fulinayo.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa toddobaadkan dhexdiisa ku eedeysay Iiraan in bilihii la soo dhaafay ay kordhisay dilalka ay fuliso, iyadoo la sheegay in 250 qof ay dil ku fulisay lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2022 – taas oo labalaab ka badan tirada xukunka dilka ah lagu fuliyay isla muddadan sanadkii hore.

“Dowladda ayaa fulineysa dilal si xowli ah gudaha dalka taas oo tacaddi ku ah xuquuqda nolosha,” ayay tiri Diana Eltahawy, oo ah ku xigeenka madax-goboleedka hay’adda Amnesty International.

Qaar ka mid ah dadka la xukumay ayaa iyagoo badan dil lagu fuliyay, sida ay hay’addu sheegtay, waxaana ku jiray kuwo hal xabsi ku jiray oo la dilay 15-kii June iyadoo isla tiradaas oo ku jiray xabsi kalena la dilay 6-dii June.

Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee dalkaas ayaa ugu badan dadka la dilo. Inkastoo ay 5% ka yihiin bulshada guud ee Iiraan, xubno ka tirsan qomwiyadda laga tirada badan yahay ee Baluchi ayaa in ka badan hal meel ka ah afar meelood dilalka la fuliyo sida ay sheegtay Amnesty International.