Ninku guulaystay bakhtiyaa-nasiib boqolaal kun oo dollar ah, balse lacagtii qaadan la’

0

Nin u dhashay dalka Aljeeriya oo hadda ku nool dalka Belgium ayaa ku guulaystay bakhtiyaa-nasiib dhan 250,000 oo Euro, lacagtaas oo u dhigantay 270,000 oo dolar.

Aljeeriyaanka oo nasiibkiisa lacagtaas ayaa qaadan la’ maadaama uu si sharci darro ah ku galay waddankaas, oo aanu haysan aqoonsi.

Xadiga lacagta oo badan awgeed, ninka ayaa loo sheegay in aan kaash ahaan lagu siin karin oo uu u baahan yahay akoon bangi si halkaa loogu shubo. Balse maadaama uusan haysan aqoonsi, ma sahlana inuu furto akoonka.

Nin saaxiibkii ah oo damcay inuu lacagta u soo qaado ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii la tuhmay inuu si been abuur ah ku qaadan rabay lacagta.

Ninka Aljeeriyaanka ah ee lacagta ku guulaystay ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku isticmaalo gudaha Belgium oo uu noolal wanaagsan ku dhisto.

“Marka aan helo lacagta, waxaan doonayaa in qeyb ahaan aan ku iibsado guri ku yaalla Brussels, iyo haddii ay suuragal tahay gaari,” ayuu ninka oo aan magaciisa la shaacin u sheegay wargeyska Het Laatste Nieuws ee ka soo baxa dalkaas.

Caqabada koobaad ee ay tahay inuu ka gudbo ayaa ah qaabkii uu lacagtaas ku qaadan lahaa.

Ninkan oo 28 jir ah ayaan haysan aqoonsi sharci ah ama guri uu si joogta ah ugu nool yahay, sida uu sheegay telefishinka Belgium ee VRT.

Maadaama uusan lahayn akoon bangi, shirkadda bakhtiyaa-nasiibka ayaa diiday inay bixiso lacagta, sida uu sheegay qareenka ninkaas, Alexander Verstraete.

“Waxaan ku hawlannahay sidii aan u heli lahayn warqado caddeyn kara heybtiisa. Waxaan la xiriir doonnaa qoyskiisa Aljeeriya,” ayuu Verstraete u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Afhayeen u hadlay shirkadda bakhtiyaa-nasiibka oo u warramay AFP ayaan qeexin aqoonsiga ay u baahan yihiin si ninka uu u helo lacagta uu ku guulaystay.

Nin saaxiib la ah Aljeeriyaanka isla markaana leh aqoonsi sharci ah ayaa tegay xarunta ay shirkadda bakhtiyaa-nasiibka ku leedahay Brussels si uu lacagta ugu soo qaado ninka ku guulaystay, balse waxaa loogu yeeray booliska kadib markii laga shakiyay.

Ninka lacagta ku guulaystay ayaa markii dambe xabsiga tegay, waxaana uu booliska u sharraxay in saaxiibkii aanu tuug ahayn ee uu isaga soo wakiishay, maadaama uusan lahayn aqoonsi sharci ah. Markaa kadib ayaa xabsiga laga sii daayay.

Kaarka bakhtiyaa-nasiibka ee uu helay ninka Aljeeriyaanka ayaa hadda waxaa haysa maxkamad ku taalla magaalada Bruges, si aanay cid kale u isticmaalin.

Gar-yaqaan Verstraete ayaa sheegay in dowladda Belgium ayaa ballan qaaday in aysan tarxiili doonin ninka ilaa uu ka helayo lacagta uu ku guulaystay.

Ninka ayaa dalkiisa Aljeeriya ka soo tegay afar bilood ka hor, waxaana uu doon u raacay dalka Spain, sida ay sheegtay warbaahinta Belgium. Kadib waxa uu ka soo lugeeyay Spain, isagoo soo maray France kadibna gaaray dalka Belgium.

Waxa uu doonayay inuu u gudbo UK, balse hadda waxa uu sheegay inuu doorbidayo Belgium oo uu halkaa ku guursan rabo.

“Waxaan raadsan doonaa xaas. Mid aan lacagteyda rabin ee aan jaceyl wadaagno,” ayuu u sheegay Het Laatste Nieuws.