Berbera, markab shidaaal naafto ah sida oo ku xaniban berbera iyo sababta

0

Waxaa Caawa shidaal la,aan u xaniban  marakiibtii iyo doonyihii xoolaha uqaadi lahaa dalalaka Cumaan iyo Yemen, Bilihii udanbeeyay waxa kor usii kacayay qiimaha shidaalka  naftada iyo batroolka  waxaanay  xiligan samayn wayn ku yeesheen dhaqdhaqaqa  beri iyo badba,

 

Hadaba kadib markii laga qayliyay shirkada  tarafaguura  oo siyaasadii shidaalka ee dalka Somaliland faro faraysay  iyadoo  shuruudo ku xidhay shidaalka ay keeni jireen ganacsatada madaxa banana kuna xujaysay tayada shidaalka  laga isticmaalo wadamada qaniga ah ee tayadiisu sarayo hadaba  ilaa mudadaa  waxaa khadka kasii baxayay ganacsatadii 30 kaa sano dalka u keenayay shidaaalka oo ay caqabad ku noqotay shuruudaha  aan dalkani qaadi karin, markii Madaxwaynaha Somailand Muuse Biixi ku dhawaaqay in cid kasta oo shidaal dalka keeni karta loo fasaxay  ayaa shirkadaha qaarkood  rajo gashay waxanay dalkan udooneen shidal jaban oo dadku iibsan karo laakiin nasiibdaro waxaa wali haysta shuruudihii ay dalka la timid shirkada tarafaguura  loomana hogaan samin hadalkii madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland  muuse biixi,

Waxaa iminka haabada dekada berbera taagan  markabka Barakaale oo siday  shidaal naafto iyo batrool isugu jiray waxana laga shubay batroolkii oo dhamaa 6000 Lixkun oo tan halka naftadii oo dalku baahi wayn u qabay wali ay ku xaniban tahay shuruudaha Tarafaguura dul dhigtay awgood,  Waxaana  lahaa  shidalkan shirkada Red Sea sida warar xogogaal ahi sheegayaan shirkadii shiidaalka xaniban lahay markii ay udacwo tagtayna Xukumada ayaa waxa markiiba la ganaaxay lacag dhan 50.000$ Kun oo Dollar iyada oo la takiidinayo Shuruuda Shirkada Taraafaguura,

Dhanka kalena  maraakiibtii iyo doonyihii xoolaha u qaadi jiray dalaka Yemen iyo Cumaan ayaa iyaguna uxaniban shidaal la,aan sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade codsaday in aan magaciisa la sheegin oo kamida ganacsatada xoolaha nool dhoofiya  waxana dekada dhexdeeda xiligan jooga xoolihii lagu rari lahaa oo sida uu sheegay ganacsadahani  ka mida kuwa xoolaha dhoofiyaa inay go,aansadeen in xoolihii laga dareeriyay galabta maxjarada inay dib usoo celiyaan madaama la waayay ayuu yidhi shidalkii lagu shubi lahaa marakiibta iyo doonyaha diyaarka u ah inay xoolaha qaadaan Maraakiibta iyo doonyahana laga furo dekada oo galabta lagusoo xidhay dibna loo geeyo haabada dekeda.