Maxkamadda Hargeysa oo amar cusub ka soo saartay xadhiga weriyayaashii xidhnaa

0

Waxa saaka maxkamadda Hargeysa la horgeeyay wariyayaashii magaalada Hargeysa lagu xidhay afar maalmood ka hor.

Maxkamadda ayaa warqad ogolaansho ah ciidanka u siisay in ay wariyayaashan xabsiyada kusii hayn karaan shan maalood taas oo ay ciidanka danbi baadistu ka codsadeen maxkamada.

Wariyayaashan ayaa la filayaa in shantaa maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada.

Wariyayaashan oo uu ka mid yahay wariye Xasan Saleebaan Haaruun Galaydh oo BBC-da ka tirsan ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee xabsiga magaalada Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xidhan oo wariyaayaashu ay kasoo warramayeen.

Ururka suxufiyiinta Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay xadhigga weriyayashan.