Dawladda Jabuuti oo ka hadashay cod sir ah oo laga faafiyey Madaxweyne Geelle

0
Ilo-wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti, ayaa BBC u xaqiijiyey in la filayo in maxkamad la soo taagayo Taliyaha Booliska dalkaas Korneyl Cabdillaahi Cabdi oo ku jiray xabsi guri maalmihii la soo dhaafay, kadib markii sida la sheegay looga shakiyey falal liddi ku ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo qoyskiisa.
Warka ayaa intaas ku daray in Korneyl Cabdillaahi laga saaray xabsi guri uu maalmahanba ku jiray, haatanna loo gudbiyey Xabsiga Gabbood ee caasimadda Jabuuti.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xidhay, haddana waxa jira warar sheegaya in xadhigga kornaylku salka ku hayo sir laga faafiyey qoyska madaxweynaha Jabuuti.
Balse ilaa hadda ma cadda cidda bixisay amarka xadhigga taliyahan.
Sidoo kale warar BBC-du heshay, ayaa sheegay in sidoo kale uu xidhan yahay wasiirkii hore ee Miisaaniyadda ee Jabuuti Mr. Boode Axmed Rooble.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo warfidiyeennadu isku dayeen in arrintan wax laga weydiiyo, ayaanay u suurtogalin, kadib markii ay telefoonnada qaban waayeen
.
Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay bilowday baadhitaan ku aaddan wax lagu tilmaamay codad lagu baahiyey baraha bulshada oo ay ka dambeeyeen kooxo cadow ku ah qarannimada Jabuuti.
Warsaxaafadeed ka soo oo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jabuuti galabta, ayaa lagu sheegay in arrintani ay ku lug leeyihiin saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Guud ee Booliska Jabuuti iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda dalkaas oo labadoodaba xabsi la dhigay Isniintii.
“Kadib markii la xaqiijiyey faafinta codad la duubay oo ay soo saareen kooxo dembiilayaal ah, kaas oo lagu baahiyey baraha bulshada, waxa durba la bilaabay baadhitaan ku aadan arrintaas.”
“Baadhitaankii ugu horreeyey ee la sameeyey waxa caddaatay in arrintani ay ku lug leeyihiin Agaasimaha Guud ee Booliska qaranka iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Xeer-ilaalinta Guud ee Jabuuti.
Sidoo kale waxay dawladda Jabuuti sheegtay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga qeybqaadatay faafinta codka sirta ah ee Madaxweyne Geelle.
“Markii la eegay halista kiiskan, waxa loo furay gal-dacwadeed, waxana loo dhiibay garsoore gaar ah, waxana la xidhay qaar ka mid ah dadka loo haystay dembigan, halka Xeer-ilaalintu dabagal ku sameyneyso eedeysanayaal kale.”
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Jabuuti, ayaa sidoo kale sheegay inay go’aan ka soo saari doonaan dhacdadan, isla markaana ay dadka la wadaagi doonaan halka wax marayaan.
Hase yeeshee, dawladda Jabuuti wax faahfaahin ah kama aanay bixin waxa uu ku saabsan yahay codka sirta ah ee madaxwaynaha ee lagu baahiyey baraha bulshada, loona xidhay saraakiisha.