Wasiirka Hawlaha Guud oo luuqad adag ugu jawaabay Xildhibaan Laab-saalax oo Mudaharaad ugu baaqey Shacabka Hargeysa

0
Dastuurka waxaa ka farcama Xeerar faahfaahsan
Si waafaqsan Xeerka ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyadda Guud Xeer L/r 51/2012
Qodobka 10aad farqadaha 1aad ilaa 4aad ayaa Banaan-baxyada lagu xusay ( ugu yaraan 3 maalmood ayaa la ogaysiinayaa Duqa Degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama Wasiirka Arimaha Gudaha ) si loo ogolaado ama loo diido.
Waxaa ayaan-daro ah in (Mr. Ambiye) oo Golaha Wakiiladda ambiyay 2 jeer, ayaa shacbi-weynaha Hargeisa doonayaa in u majaro habaabiyo.
Somaliland waa Hooyo Siraad, oo kale dhamaanteen gurmad abaaraha, iyo danyarta haloo gurmado “ sadaqo waa sir” . Somaliland waxay ka mid tahay 4 Dal ee ugu faqiirsan Caalamka, Xukumaddu waxay u qorshaysay U.S $ 3 millions wax ka qabashadda Abaaraha .
Alla Mahadleh.
Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.