MUCJISO, Alle dile Aya Dhinta, Siday usuuro gashay in Rag dil ku xukuman oo tiirka lageeyay laga furo,

0

Alle dile ayaa dhinta. Laba nin oo kamid ah maxaabiis saaka qisaas lagu fulin rabay ayaa daqiiqadihii u dambeeyay ka badbaaday dilka, kadib markii ay cafis ka heleen ehelada raggii loo qisaasayay.

Arrinta ayaa ka dhacday Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhaawaqday madax bannaanida ee Somaliland, halkaas oo saaka tiirka la geeyay lix maxbuus.

Wararka ayaa sheegaya in afarta kale lagu fuliyay xukun dil toogasho ah, balse labada nin la sii daayay, walow horay loo sii diyaariyay xabaalihii lagu aasi lahaa.

Labada nin oo aan magacyadooda weli la shaacin ayaa ka soo kala jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo magaalada Laascaanood.

Ninka reer Koonfurka ah ayaa lagu helay dembi ah inuu dilay askari ka tirsan ilaalada xabsiga Hargeysa oo uu ku xirnaa, iyadoo markii hore loo qabtay burcad badeednimo.

Ninka reer Laascaanood oo horay uga tirsanaa ciidamada Somaliland ayaa dilay nin ay isku heyb yihiin, waxaana ay maxkamad go’aamisay in lagu fuliyo xukun qisaas ah.

Diinta Islaamka ayaa qofka qisaasta loo fulinayo siisay saddex khiyaar oo ah; in gacan ku dhiiglaha loo dilo, in diyo uu ka qaato ama in uu iska cafiyo.

Inta badan ma dhacdo in qof tiirka la geeyay si qiyaas loogu fuliyo uu ka badbaado xaaladdaas.

linskan riix ka bogo siday wax udhaceen