ma inqilaab qorshaysan ayaa ka dhici rabay DDS Ethiopia

0

Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgmi lagu sameyay xukuumadda dowladd deegaanka kaas oo ay mas’uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeyn ururro argagaxiso.

Wasiirka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid Ducaale oo warkaan BBC-du wax ka waydiisay ayaa ku tilmaamay mid aan jirin isaga oo intaa raaciyay in qaar ka mid ah warbaahintu ay si khaldan wax u dhigeen. Wuxuu sheegay in warbaahinta deegaanka ama mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka aanu ka soo bixin war la xiriira isku day afgambi.

Cabdulqaadir Rashiid ayaase sheegay in xubno horey uga tirsanaa xisbiga barwaaqo ay isku dayeen in deegaanka ay ka abuuraan nabadgalyo daarro ayna xukuumaddu arrintaa ka hortagtay oo waliba la sameeyay wacyi galin.

“Wax afgambi ma jirin maalmahaan sidaan la soconno shaqsiyaad ka mid ahaa qayb ka mid ah xisbiga xubno xibiga horey uga tirsanaan jiray oo mas’uuliyiin hore ahaan jiray oo xilalkoodii ka tagay ayaa is abaabulay waxayna ku talagalen in deegaanka ay nabad galyo darro ka abuuren”.Ayuu yiri Cabdulqaadir Rashiid wasiirka xafiiska warfaafinta.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyaoo kala aragti duwanaan ay ka dhex jirtay dhawaanahana xisbiga talada deeegaanka Soomaalida haya ee Barwaaqo .Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa ku eedeyay xisbiga inuu ka weeecday waddadii loogu tala galay isla markaana ay iyagu doonayaan in ay saxaan khaladaadka xisbiga dhexdiisa ka jira.

Xubnahaan sheegay inay waxa saxayaan oo doonayay dhawaan in ay kulan ku yeeeshaan magaalada Jigjiga ayaa waxaa la sheegay in ciidamada ammaanku kala direen.Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook 13-kii bishaan ku sheegay in buuqqa siyaasadeed ee la abuurayo uu yahay mid ujeeddo laga leeyahay.Qayb ka mid ah qoraalkiisa ayaa sidaan u dhignaa;-

“Buuqa siyaasadeed ee maalmahan la furayaa waa mid ujeeddadiisu caddahay xidhiidhna aan la lahayn arimaha lagu af gabaadsanayo. Marka waxaa haboon in aan wakhti lagu lumin ka jawaabidda waxyaalaha lugta lagu sii dhufanayo sida abaarta iyo xorriyadda siyaasadda oo ay shacabka u taal inay iyagu aaraa ka dhiibtaan sida wax yihiin, balse laga jawaabo eedeeymaha tooska ah iyo ujeeddooyinka ka dambeeya”.

Madaxweynaha oo u muuqday in qoraalkiisa uu kaga jawaabayay dhaliil kaga timid siyaasiin lana xiriirtay qaabka ay xukuumaddu ugu diyaar garowday gurmadka abaaraha ka jira deegaanka ayaa sheegay inay sameeyeen ka xukuumad ahaan dadaal badan waxaana uu yiri: “. Masuuliyiin hore oo ka hadlay abaaraha waxay sheegeen in diyaar-garoowgu hooseeyay iyagoo aan wax caddayn ah raacin. Haddaba maadama xukuumadu in ka badan 200 oo Ceel qoday, calaf beertay, kii ay beertay ku shan jeer ka badanna ama soo iibisay ama bilaash deegaano kale kaga heshay, anaga calaf nalagama iibsan ma noqon karto diyaar-garoow hooseeya. Haddana waxaa haboon in masuuliyiintii hore wixii ay calaf hayaan ay dadka bilaash ku siiyaan hadii ay u danqanayaan”.