Nin Gurigiisa ka dhex qotay xabaashii lagu aasi lahaa Markuu dhinto!

0

Sida caadiga ah qof kasta wuxuu og yahay inuu dhimanayo maalin uun laakiin arrinta naadirka ah ayaa ah in qofka uu ka hadlo maalinta uu dhimanayo ama in uu sii diyaarsado goobtii lagu aasii lahaa.

Xitaa haddii uu qofka buko, qoyska bukaanka ma bilaabaan diyaarinta qabrigii lagu aasi lahaa qofkaas maadama aan xaaladdiisa la saadaalin karin.

Patrick Kimaro, oo 59 jir ah kuna nool tuulada Mbosho, degmada Machame, ee gobolka Kilimanjaro ee dalka Tanzania wuxuu gurigiisa dhexdiisa ka qotay qabrigii lagu aasi lahaa marka uu geeriyoodo.

Weriyaha BBC-da laanta Sawaaxiliga Abuubakar Famau oo booqday goobta uu ku nool yahay ninkan ayaa kusoo warramayaa in maskaxdaada ay kusoo dhaceyso su’aasha ah, qabriga ma waxaa lagu aasay qofka ka tirsan qoyska?

Gidaarka loo sameeyay qabriga waxaa lagu dul qoray ereyo ay kamid yihiin:, “Dhulkan waxaa loo diyaariyay in lagu aaso walaalkeen Patrick Matei Kimaro @Sabasita laga bilaabo taariikhda 15/01/2022, wuxuu dhashay 02/02/1963.”

Weriyaha booqday goobtan ayaa sheegay “Marka aad akhriso wax ku qoran qabriga, waxaad fahmeysaa in cidna aysan ku aasneyn halkaa balse loo diyaariyay qof nool”

Tallaabada uu qaaday Mr Kimaro ayaa ka yaabisay dad badan oo ku nool gudaha iyo dibada tuulada, Sababtoo ah maaha wax ku cusub bulshooyinka Afrika, gaar ahaan beesha Chaga ee uu kasoo jeedo Ki

Weriyaha booqday goobtan ayaa sheegay “Marka aad akhriso wax ku qoran qabriga, waxaad fahmeysaa in cidna aysan ku aasneyn halkaa balse loo diyaariyay qof nool”

Tallaabada uu qaaday Mr Kimaro ayaa ka yaabisay dad badan oo ku nool gudaha iyo dibada tuulada, Sababtoo ah maaha wax ku cusub bulshooyinka Afrika, gaar ahaan beesha Chaga ee uu kasoo jeedo Kimaro.

Wilbard William, oo ah gudoomiyaha dhaqanka iyo hiddaha gobolka ayaa sheegay in isagana uu aad ula yaabay maadaama arrintan aysan horay u dhicin.

Kimaro wuxuu meesha ka saaray kharashkii ku bixi lahaa qodidda qabrigiisa marka uu geeriyoodo, wakhtiga xaadirkan qodidiga qabriga dalkaas waxaa ku kacdaa $ 500 oo doolar, waxaana howsha inta badan sameeya qaraabada, asxaabta iyo dadka yaqaana.

Grace Kimaro oo isku qoys ka soo jeeda Kimaro, laakiin sidoo kale ah ilaaliyaha guriga, ayay tiri “Waa run in dhismaha qabrigan ka dib, dadka deriska ah qaarkood ay ka cabsanayaan inay halkan yimaadaan, inkastoo qaarkood ay bilaabeen inay la qabsadaan.”

Dhismaha qabrigan ayaa waxaa ilaa hadda ku baxay lacag dhan lix milyan oo shilinka Tanzania ah, taasoo ku dhow saddex kun oo dollarka Mareykanka ah.

Inkasto wakhtiga qofka uu geeriyoonayo uu ogyahay Alle oo kaliya ah haddana bangiyada Tanzania qaarkood u arkaan fursad ay ku heli karaan macmiil sidaas darteed waxay bilaabeen inay ku qanciyaan Mr. Kimaro, inuu horey u sii socdo isla markaana ay ka kaabaan diyaarinta qabrigiisa.

Tani waxay ka caawin doontaa isaga haddii ay jirto nooc kasta oo waxyeello ah oo ay sababaan masiibooyinka sida roobabka culus, markaa caymiska ay siiyaan bangiyada wuxuu awood u siinayaa inuu dhiso qabrigaas oo kale.

maro.