Mustafe Cumar oo shanta sano e soo socota hoggaamin doono Dowlad Deegaanka Soomaalida

0

Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kallfadhigoodii lixaad si buuxa u ansixiyay in madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar uu noqdo shanta sano ee soo socota madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kale golaha barlamaanka ayaa madaxweyne ayaa ansixiyay in madaxweyne ku xigeenka uu noqdo Ibrahim Cusmaan faarax, sida lagu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida.