Waa kuma wiilka doonaya inuu baddelo feeryahankii Maxamed Cali Kalaay?

0

Wiilka uu awowga u yahay feeryahankii Maxamed Cali Kalaay ayaa haatan doonaya inuu sii wado shaqadii awowgii, isaga oo xirfaddiisa bilaabi doona 14-ka August wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay.

Nico Ali Walsh ayaa qandaraas la saxiixay Bob Arum oo Mareykanka u dhashay, kaa soo gacan ka geystay 27 ka mid ah tartamadii feerka ee awowgiis.

Wiilkan oo 20 sano jir a ayaa wuxuu sidoo kale wuxuu ku jiraa sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashada jaamacadda isaga oo diyaarinaya shahaadada ganacsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan si wado dagaalkii uu awowgey bilaabay,” ayuu yiri Ali Walsh.

“Waa mas’uuliyad aan xaggeyga ka fududeyn.”

Maxamed Cali ayaa tartanka feerka ee adduunka ku guuleystay saddex jeer, waxaana lagu soo qaatay Shakhsiga Cayaaraha Qarniga ee BBC-da sanadkii 1999.

Feeryahankan ayaa geeriyooday sanadkii 2016, isagoo xanuunsanaa muddo ka badan 30 sano.