Gabar joojisay isticmaalka daroogada oo haatan dadka ka wacyigelisa

0

Iyadoo maanta dunida lagu xusayo maalinta ka hortagga isticmaalka mukhaadaraadka iyo ka ganacsigiisa sharci-darrada ah ayaa dadka umuurtaasi bulshada ka wacyigeliya waxa ay sheegayaan inay dhibaato badan ku qabaan sidii dhalinyarada looga dhaadhacsiin lahaa dhibka maandooriyaha. Farxiya Daahir Budul oo laf ahaanteeda

mukhaadaraadka isticmaali jirtay, hasayeeshee markii dambe iska dhaaftay, ayaa waxa ay magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka ka waddaa wacyigelin ku aaddan sidii dhalinyarada ay arrintaasi uga fogaan lahaayeen. Farxiya waxa ay sheegtay in waxyeello badan ay dhalinyarada ka soo gaarto isticmaalka mukhaadaraadka, waxayna u warrantay weriyaha BBC-da Cabdifataax Ibraahim Cagayare. Marka hore waxa ay ka sheekaynaysaa dhibka ay ka soo martay maandooriyaha.