Weerrarka toorayda ee Jarmalka: Saddex qof oo ku dhimatay weerrarka ka dhacay magaalada Würzburg

0
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in weli aanan la ogaan sababta ka dambaysa weerrarka

Nin lulayay tooray ayaa magaalada Würzburg ee waddanka Jarmalka waxa uu ku dilay saddex qof halka dhowr kalana uu ku dhaawacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Muuqaallo la soo dhigay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa waxa ay muujinayaan nin tooray wayn wata oo ay ka hortageen oo ay iska caabiyeen dad wadada hareeraheeda marayay.

Qofka laga shakisan yahay oo ah Soomaali 24-jir ah ayaa waxaa laga toogtay bowdada ka hor inta aanan la xirin.

Booliska ayaa waxaa weerrarka lagu wargeliyay abaare 17:00 waqtiga maxalliga ah (15:00 GMT), iyadoo weerrarkuna uu ka dhacay Fagaaraha Barbarossa ee bartamaha magaalada.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria, Joachim Herrmann ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato oo “aanan la hubin” inay badbaadi doonaan.

Qofka laga shakisan yahay ayaa waxaa su’aalo lagu waydiinayaa isbitaal maxalli ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay baarayaan ninkaas gurigiisa, sidoo kalana waxa ay baarayaan dadka uu xiriirka la sameeyay si ay caddeymo dheeraad ah u helaan.

Qof goobjooge ahaa ayaa waxaa la soo weriyay inuu sheegay in qofka laga shakisan yahay uu inta uu weerrarka socday ku qaylinayay “Allaahu Akbar”, waxaa sidaasi sheegay Mr Herrmann.

Hasayeeshee afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in walow qofka weerrarka gaystay uu falal dambiyeed hore u galay haddana haatan aanay falalkiisii hore midkoodna xiriir la lahayn argagixiso.