Kenya Airways, rajo ayaa jirta in duulimadyo cusub ay ka bilowdaan HARGEYSA IYO NAIROBI

0

Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda Kenya Airways soo saartay.

“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.”

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa shalay hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo shalay oo Salaaso aheyd, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.