kenya,wargeyska Daily Nation Xukuumada waqtigeedi dhamaaday ee muqdisho oo ka shakiday Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika usoo magacaabay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa “ku gacan seyrtay” inay aqbasho ergayga gaarka ah ee uu Midowga Afrika u soo magacaabay si uu u dhexdhexaadiyo Kenya iyo Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga cusub, John Maha – oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana – uu xiriir dhow la leeyahay Kenya.

Waxay xukuumadda federaalka Soomaaliya warqad u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, taasoo ay ugu wargalisay in dowladda Soomaaliya aysan ku taageeri doonin Mr Mahama doorkiisa cusub.

Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, oo wargeyska uu soo xigtay ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Ghana uu gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, isagoo aan cayimin nooca uu yahay xiriirkaas.