Rekha: Mar uu Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ku dhawaaday inuu guursado Atariishada caanka ah ee Bollywood

0

Waxaa dib usoo cusboonaatay hadal heyn ku saabsan xiriir uu siyaasiga reer Pakistan lasoo yeeshay xiddigaha filimada Hindiya xilligii uu ahaa ciyaartoyga, baraha bulshada iyo warbaahinta ayaana cirka kusii shareeray.

Imran Khan oo hadda Ra’iisul Wasaare ka ah dalka Pakistan wuxuu mar ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan cricket-ka, sidoo kalena wuxuu ku caan baxay in dumar badan ay daneyn jireen, sida lagu qoray qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Hindia.

Isagoo kabtan u ah xulka cricket-ka dalka Pakistan ayuu ku guuleystay tartankii koobka adduunka. Intii uu ciyaaraha ku dhex jiray waxaa lagu yaqaannay inay ku hareereysnaayeen dumar wada qurux badan.

Xilligaas Hindiya iyo Pakistan waxay lahaayeen xiriir diblomaasiyadeed oo labada dhinacba ah, taasoo ka dhigneyd in ciyaartoyda labada waddan ay isku dhawaayeen.

Sidoo kale ciyaartoyda labada dhinacba waxay fursad u heysteen inay saaxiibbo ka sameystaan meel ka baxsan xuduudda. Imran wuxuu u muuqday mid ka faa’iideystay fursaddaas, maadaama uu xiriir la yeeshay qaar badan oo ka mid ahaa atariishooyinkii ugu sarreeyay Bollywood-ka. Mid ka mid ah waxay ahayd Rehkha.

Warbixin lagu qoray wargeyska Star oo waagaas la daabacay ayaa mar kale kusoo labo kacleysay baraha bulshada, dadweynaha ayaana si weyn u hadal haya.

Maqaalkaas waxaa lagu sheegay in Imran Khan iyo Rekha ay ku dhawaadeen in uu guurkooda dhaco.

Imran Khan ayaa lagu xantaa inuu ahaan jiray nin aad u dumar badan, taasoo loogu bixiyay magaca “ninka haweenka badan”, sida ay tabiyeen warbaahinta hadal haya sheekadan.

Xiddigaha kale ee Bollywood-ka ee la sheego in Imran ay xiriirka haasaawe lasoo wadaageen waxaa ka mid ah Shabana Azmi, Zeenat Aman iyo kuwo kale.

Rekha, oo magaceeda dhabta ah uu yahay Bhanurekha Ganesan, waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah atariishooyinkii ugu fiicnaa ee soo mara shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya.

Waxay kasoo muuqatay in ka badan 180 filim waxayna ku guuleystay abaalmarinno badan.