Deg Deg Dagaal Culus oo Ka Qarxay Muqdisho iyo Ciidamdii dawlada oo goosad noqday

0

Xaaladda Muqdisho oo cakiran xilli xaafdaha qaar laga qaxaya

Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa dhambaalkan goor dhaw na soo gaarsiiyay. Wuxuu sheegay inuu arkay xaafadaha qaar sida degamda Hodan oo ay dadku ka qaxayaan si ay u aadaan xafaadaha nabdoon.

Wuxuu ka waramayaa xaaladdii ugu dambeysay ee magaalada Muqdisho iyo dagaalladii dhacay caawa wax yar ka dib xilligii afurka.

Khasaaraha lama oga wali, balse Ibraahim ayaa ku soo waramaya in la soo weriyay dhaawaca ugu yaraan laba qof.

Rasaastii way istaagtay

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka KM4 ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku uu hakad ku yimid, balse wali la maqlaya rasaas goos goos ah.

Waxaa isgoysyada qaar lagu arkayaa gawarida gaashaaman, sida sawirkan hoose oo muujinaya gawaarida milatariga Soomaaliya oo ku sugan isgoyska KM4.

Waxaa halkaas goor sii horreysay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidammada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray.

Lama oga wali khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi