War-xasaasiya: Xaalada Muqdisho oo Cirka isku shareertay+ Ciidamo Militari ah oo gadooday,

0

Xaalada Muqdisho oo Cirka isku shareertay+ Ciidamo Militari ah oo ka soo horjeestay Mudo-korodhsiga Farmaajo oo Muqdisho galay

Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda federaalka Somalia oo ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa soo galay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo korodhsiga labada sano ee uu sameystay madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku dhow boqol ayaa qaarkood gudaha usoo galay magaalada, gaar ahaan degmada Kaaraan, kuwo kalena waa ay kusoo wajahan yihiin, sida ay xog ku heshay Warbaahintu.Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wadooyinka qaar ee magaalada la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xidhay qaar dhowr isgoys oo muhiima.

Xoggo ay heshay Warbaahintu ayaa tibaaxaya in madaxweyne Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada Milateriga Jeneral Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaas, waxaana Jeneral Odawaa uu gaadhay deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin isaga oo kula kulmay Kornayl Saneey Cabdulle oo ah hoggaamiyaha ciidamadaas, hase yeeshee kulankooda ayaa noqday mid waxba la’aan ku idlaaday.

Col. Saneey Cabdulle, ayaa sida warbixintu xogta ku heshay u sheegay Jeneral Odawaa in ay ciidamada kasoo horjeedaan mudo korodhsi islamarkaana ay maanta mowqifkooda warbaahinta u caddeyn doonaan, Iyagoo qabanaya shir jaraa’id.

Geesta kale, Farmaajo ayaa ku amray madaxweynaha Hir  Shabelle Cali Guudlaawe inuu arrintaan wax ka qabto, maadaama taliyeyaasha ciidamadan ay isku heyb yihiin hase ahaatee Cali Guudlaawe oo la xidhiidhay saraakiisha ciidamada ayaa ku guuldareystay dalabka Farmaajo in la fuliyo.

Tu kalena, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo saan saan aan wanaagsaneyn, ayada oo Xukumada ay isku dayeyso inay xakameyso ciidamada kasoo horjeeda muddo korodhsiga oo sii kordhaya.

Xukumada Farmaajo ayaa horey waxay u hujuumi kari weyday taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon, oo ciidamo badan ku haysta xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, kadib markii isna uu diiday muddo kororsiga.