Gabadh muslimad ah oo kaalinta 1aad ka gashay imtixaanka dugsiga sare ee Itoobiya+jaamacaday dalbatey

0

Sacaada Jamaal oo ah gabar muslimad ah oo ku nool magaalada Warabe eeku taalla Koonfurta dalkaasi Itoobiya ayaa noqotay gabadha kaalinta koobaad ka gashay imtixaanka dugsiga sare (12-aad) ee dalkaasi Itoobiya ee sanadkan 2021-ka

Sacaada oo ay labadeeda waalid yihiin macallimiin ka soo jeedda qoys sabool ah ayaa horay u sii qorsheysatay iney natiijada ugu sarreyso keeneyso.

“Waxaad dhinayey ‘Natural Science’ toddoba maaddo uu imtixaanka ka koobnaa oo lagu saxayey 700 waxaana ka keenay 650, marka aan fasalka 12-aad u gudbay ayaanna sii qorsheystay inaan keeno 650 iyo wixi ka sareeya, aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayey tiri Sacaada.

“Gabadheyda Sacaada maadaamaa ay dalka Itoobiya oo dhan ay kaalinta koobaad ka gashay aad ayaan ugu faraxsanahay, balse dadaalka gabadhaasi ay muujineysay iyo sida ay u akhrisaneysay waan ka filayey dhibcaha ay hadda keentay iyo wixii ka sarreeya” ayey tiri hooyadeed Najiiba Amaan.

“Gabdhaha ila midka ah waxaan dhihi lahaa iney awoodda uu ilaahey siiyey ka faa’ideystaan caqabad kasta oo soo wajahdana ay ku sii adkaadaan markaas ayey gaari karaan halka au mustaqabalka ku hamminayan iney gaaraan” ayey tiri sacaada.

Sacaada Jamaal waxay dalbatay Jaamacadda dhakhtarnimada lagu barto ee ‘Paulos Milinium Universirty’ iyada oo jaamacadda ka sugeyso aqbalaadda.