Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay Gantaaladii Tigraygu ku weerartay dalka Eritrea

0

Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay Gantaaladii Tigraygu ku weerartay dalka Eritrea & Caasimada Amxaarada ee Bahr-daar & Gondhar+Halka laga helay!

Ciidamada federaalka Itoobiya ee gacanta ku haya magaalada Makelle ee caasimada dowlad deegaanka Tigrey ayaa gacanta ku dhigay gantaalo iyo hub kale oo ay lahaayeen maamulkii laga itaalka roonaaday ee TPLF.

Howlgal ay ciidamada federaalka sameeyeen ayey ku heleen 13 gantaal oo lagu qariyay baqaar si gaar ah loo leeyahay oo ku yaala magaalada Mekelle, waxa ay sidoo kale ciidamada heleen hub kale oo culus ay adeegsanayeen ciidamada Tigrey.

War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in gantaaladan gacanta lagu dhigay ay yihiin nuucii ay kooxda TPLF u adeegsatay weeraradii ay ku qaaday magaalooyinka Bahr Dar ee ismaamulka Amxaarada iyo magaalada Asmara ee caasimada Eritrea. Ciidamada daacada u ahaa kooxda TPLF ayaa gantaalo culus ku garaacay magaalooyinka Bahr Dar ee caasimada Amxaarada iyo qeybo kamid ah magaalada Asmara ee caasimada Eritrea intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay kooxda TPLF iyo ciidamada Itoobiya.