Jonathan Pollard: Basaaskii Israa’iil oo lagu soo dhoweeyay Tel Aviv

0

Jonathan Pollard iyo xaaskiisa Esther oo saaran diyaarad gaar ah

Jonathan Pollard, oo ah falanqeeye hore oo ciidamada badda Mareykanka isla markaana 30 sano ku jiray xabsi isagoo loo heystay in siraha Mareykanka uu ka iibiyay Israa`iil ayaa u duulay magaalada Tel Aviv bil kaddib markii ay dhammaatay xayiraaddii safarka ee saarneyd.

Mr Pollard, oo 66 jir ah, iyo xaaskiisa Esther ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Ra`iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

“Gurigiinna ayaad joogtaan,” ayuu yiri Mr Netanyahu, kahor inta uusan siin aqoonsiga Israa`iil.

Mr Pollard waxaa la xiray sanadkii 1985 isagoo lagu xukumay xabsi daa`in kaddib markii lagu eedeeyay in siraha Mareykanka uu ka iibiyo Israa`iil.

Wuxuu sheegay in uu ka carooday Mareykanka inuu xayiraad saaro sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka dalka ay xulufada daacadda ah yihiin.

Israa`iil ayaa hore u beenisay in Mr Pollard uu basaas u ahaa dalkaas. Balse sanadkii 1995 waxay siisay dhalasho, saddex sano kaddibna waxay si rasmi ah ugu aoqonsatay inuu ka tirsan yahay sirdoonkeeda.

Maamullo hore oo Mareykanka soo maray ayaa ka diiday codsiyada Israa`iil ee lagu cafinayo Mr Pollard, balse markii dambe sanadkii 2015 ayaa cafis lagu sii daayay

Sida uu dhigayo sharciga cafiska sii deyntiisa, looma oggoleyn inuu oggolaansho la`aan kaga baxo Mareykanka ugu yaraan shan sano.

Bishii la soo dhaafay, waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Mr Pollard uu dhammeystay muddadii loogu talogalay, uuna xor u yahay inuu aado Israa`iil.

PM of Israel@IsraeliPMPrime Minister Benjamin Netanyahu welcomed Jonathan and Esther Pollard upon their arrival in Israel, early this morning. The Prime Minister was moved to meet them on the tarmac next to the plane where they recited the Shehecheyanu blessing together.