Raysala Wasaare Apy Axmed oo Amar Siiyay Ciidamada Fedaraalka si ay u weeraraan Maamulka Tigree

0

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay millatariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

Raysal wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig millatari oo ku yaalla gobolka.

TPLF ayaa hore waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ee kaa bisha October.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah.

Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada.

Bayaanka uu soo saaray rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yidhi “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sanno markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay 2018.