Xagey mareysaa natiijada doorashada Mareykanka?

0

Madaxweyne Trump iyo musharraxa sida adag loollanka u galinaya, Jose Biden ayaa aad isugu dhow xilli ay wali socoto tirinta codadka doorashada.

Natiijada kama dambeysta ah ee doorashada ayaa u muuqata mid mindi caraddeed saaran, iyadoo labada musharrax ay sugayaan tirinta codadka dhowr gobol oo aad muhiim ugu ah.

Kooxda hoggaamineysa ololaha Mr Biden ee xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sheegtay in tartanka “uu ku soo gabagaboobay guul dhinacooda usoo hoyata”.

Laakiin Mr Trump, oo ka socda xisbiga Jamhuuriga ayaa horayba u sheegay inuu guuleystay, wuxuuna wacad ku maray inuu natiijada soo baxda la tiigsan doono maxkamadda ugu sarreysa waddanka Mareykanka, isagoo aan bixinin caddeymo muujinaya musuqmaasuq uu ku eedeeyay in lagu sameeyay doorashada.

Malaayiin cod ayaan wali la tirinin, mana jiro musharrax sheegan gara inay guusha xaggiisa raacday ilaa imika.

Shacabka Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in tiradii ugu badneyd ay doorashada usoo baxeen muddo hal qarni ah.

In ka badan 100 milyan oo ruux ayaa codadkooda ka dhiibtay doorashada oo billaabatay galinkii hore ee isniinta, halka tobannaan kun oo kalena ay ku biireen Talaadadii.

Iyadoo hadda Mareykanka ay ka jirto xiisad, haddana natiijada kama dambeysta ah ayaa laga yaabaa inay qaadato maalmo.Natiijadu waa sidee ilaa hadda?

Natiijadu waa sidee ilaa hadda?

Mr Trump ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday saadaalintii la sameeyay doorashada ka hor, isagoo aad uga taageero badnaa sidii loo maleynayay, laakiin Mr Biden ayaa tiro aan badneyn ku hoggaaminaya ilaa hadda.

Wuxuu musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ku horreeyaa dhowr gobol oo muhiim ah.

Doorashada Mareykanka ayaa loo eegaa heer gobol. Taasi waxay ka dhigan tahay in codadka guud aan la eegeynin balse lagu xisaabtamo gobollo dhowr ah.

Si uu musharrax u noqdo madaxweynaha la doortay, waa inuu helo 270 cod oo ah wax loo yaqaanno electoral college.

aageerayaasha Trump oo u dabaaldagaya guushii ay ka gaadheen Florida

Gobol kasta oo ka tirsan Mareykanka waxaa loo qoondeeyaa tiro ka mid ah codadkaas oo cayiman, taasoo ku xiran tirada shacabka ee ku nool. Isku darka 538 cod oo noocaas ah ayaa laga lehi karaa dhammaan gobollada 50-ka ah ee dalka Mareykanka.

Qofkii hor gaadha 270 ayeyna raaceysaa guusha kama dambeysta ah ee uu xaqa ugu yeelanayo xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimo waddanka ugu awoodda badan caalamka.

Natiijada gobollada uu loollanka ugu adag ka jiro ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin – oo afar sano ka hor uu ku guuleystay Trump – ayaa hadda aad isugu dhow.

Balse qolyaha ololaha u wada Biden waxay sheegeen inay ku guuleysteen gobolka Wisconsin ayna filayaan inay ku guuleystaan Michigan. Sidoo kale waxay kalsooni ku qabaan in codadka lagu dhiibtay dhinaca boostada ay waxba kama jiraan kasoo qaadi doonaan hoggaanka uu Trump ku hayo tirada codadka gobolka Pennsylvania.

Dad u doodaya xuquuqda madowga oo ku mudaharaaday Aqalka Cad hortiisa

Mr Biden ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ku guuleysto gobolka Arizona, kaasoo mar ay ku xisaabtami jireen xisbiga Jamhuuriga ee uu Trump ka socdo.

Waxaa kale oo uu hoggaaminayaa tirada codadka gobolka Navada, inkastoo lagu wado in aan tirinta gobolkaas dib loo billaabin ilaa Khamiista.

Saraakiisha Ololaha Biden waxay sheegeen inay natiijada guusha filayaan galinka dambe ee maanta oo Arbaco ah, xilliga Mareykanka.

Hase yeeshee Trump oo muujiyay inaan la dhayalsan karin ayaa qaatay qaar ka mid ah gobollada ugu waaweyn ee doorashada, oo ay ka mid yihiin Texas iyo Florida, kuwaasoo Biden uuku riyoonayay inay cadho ay Trump u qabaan awgeed isaga u garab istaagi doonaan.