Garsoore xabad isku dhuftay ka dib markii uu siidaayay rag muslimiin ah

0

Garsoore ayaa xabad isku dhuftay isagoo ku jira gudaha maxkamadda ka dib markii uu jeediyay khudbad dhif iyo naadir ah oo ku saabsan habka cadaaladda ee dalkaasi.

Kanakorn Pianchana ayaa siidaayay shan nin oo Muslimiin ah oo loo haystay inay dil geysteen ka hor inta uusan ku baaqin cadaaladd aan dhanna u jenjeerin. Ka dibna waxa uu akhriyay dhaar sharciga waafaqsan, waxa uuna la soo baxay bistoolad, feeraha ayuuna iska toogtay.

Balse garsooraha ayaanan dhiman oo waxaa loola cararay isbitaalka, halkaasi oo haatan lagu dabiiyayo.

Warbxin la aaminsan yahay inuu qoray xaakimka inta uusan gaarin go’aanka lagu sii daayay raggaasi Muslimiinta ayaa muujinaysa in isku daygiisa dil uu la xiriiro faragelin lagu sameeyay kiiskaasi.

Maxaa ka dhacay gudaha maxkamadda?

Garsooraha ayaa wuxuu ka shaqeeynayay maxkamadda Yala oo ku taalla Thailand.

Ka dib markii uu sii daayay shanta nin ee loo haystay dilka iyo inay hub haysteen ayuu maxkamadda khudbad caro ka muuqato ka jeedayay taas oo uu si toos ah uga tabinayay barta Facebook.

“Marka aad qof ciqaabeyso waxaa loo baahan-yahay in aad hayso cadayn lagu kalsoonaan karo. Sidaa darteed haddii aadan xaqiiq haynin ha ciqaabin,” ayuu yiri.

“Aniga ma oranayo shantaasi qof wax dambi ah malahan, oo waa suuragal inay dambi geysteen,” ayuu yiri garsooraha.

“Balse habka garsoorka wuxuu u baahan yahay hufnaan iyo macluumaad lagu kalsoonaan karo…in la ciqaabo dad aan dambi geeysanin waxay wiiqeysaa hanaanka garsoorka.”

Ma cadda sabata saxda ah ee uu garsoore Pianchana iskugu dayay inuu gacantiisa isku dilo.

Suriyan Hongvilai, oo ah afhayeenka xafiiska cadaaladda ayaa wakaaladda wararaka ee AFP u sheegay in sababta uu garsooraha isku dili rabay ay tahay “culeys shakhsiyadeed”.

Balse warbaahinta gudaha ayaa soo werisay in garsooraha arrintiisa ay la xiriirto kiiska uu xukumay.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ciidamada aminga ku eedeeyay in dambiyo been abuur ah ay dusha ka saaraan Muslimiinta ku nool deegaanka Malay.