Kornayl caare o ganafka Ku dhuftay Heshiiskii Ergadiisu la gashay Xukuumada Somaliland

0

Kornayl Siciid Caarre oo hogaaminaya jabhada ku sugan buuraha gobolka Sanaag ayaa ganafka ku dhuftay heshiis ay jabhadiisa ka gaadheen madaxweyne Muuse Biixi iyo madax dhaqameedkiisu.

Kornayl Caarre ayaa sheegay inaanay matalin madax dhaqameedka heshiiska la gaadhay madaxweyne Muuse Biixi.

Kornayl Caarre oo ka hadlaya heshiiska xukuumada iyo madax dhaqameedkiisu gaadheen ayaa waxa uu yidhi “Arrintaasi anniga ima khusayso waxaasina waxba kama jiraan odayaashuna ima dhallin, madaxweyne ka hadlimaayo annigaa madaxweyne ah”ayuu yidhi Kornayl Caarre oo la hadlay sahantv.