Madaxawynaha Butland o Tusaale usoo qatay nabada ka Jirta Somaliland isagoo Dhiirigalinaya

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka hadlay heerka uu taagan yahay amaanka somaliland.

Madaxweyne Deni oo khudbad u jeedinayey shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka caalamku ay muwaadiniintooda u soo jeediyaan inay tagaan somaliland balse ay uga digaan soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo ka hadlaya amaanka somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa hada isa soo kabaya in deegaanada qaarkood la yidhaa nabad galyo ayaa ka jirta, waxaanad ogtihiin in dawladaha qaarkood ay dadkooda ku yidhaahdaan somaliland waad tagi kartaan laakiin soomaaliya ma tagi kartaan, dadkeeda ayaana ka dhigay inay u muuqato oo noqoto dal nabdoon oo amni ah.