Maanta Hiil ayaan helay Awal waan ku kaliyaystay Difaaca qaranimada somaliland, faysal cali waraabe

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hadalo hanjabaado ah oo kaga yimid wakiilka dalka jabuuti u fadhiya somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye.

Gudoomiye Faysal oo maanta ka hadlayey xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday Hargeysa ayaa sidoo kale u mahad celiyey dhalinyarada somaliland ee sida weyn taageerada uga muujiyey baraha bulshada ka dib markii uu dhaliilay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Gudoomiye Faysal oo ugu horayn ka hadlaya taageerada uu ka helay shacabka somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxaan marka hore hambalyeynayaa dhalinyarada shacabka somaliland oo markii aan doraad yara taabtay ee aan runta u sheegay dawladan aynu jaarka nahay ee yar ayey aad iigu hiiliyeen markaa difaaca qaranka waan ku kaliyeystay ayaan odhan jiree laakiin hada waxaan helay shacab badan oo ii hiiliyey, markaa waa in wixii dhexdeena ah hoos u dhignaa oo u midawnaa difaaca qaranka, waanan hambalyeynayaa dhalinyarada baraha bulshada iga difaacday.”

Gudoomiye Faysal oo ka jawaabaya dhawaaqii wakiilka dalka Jabuuti u fadhiya somaliladn ayaa waxa uu yidhi “Waanay ii sheegeenoo aniga falku ima qabto oo waligayba salaad la,aan kumaan bixin.”