Trump oo sheegay inuu socdo ‘Afgambi’ ka dhan ah

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareeyey baarista ku socota ee hoggaamin karta xil ka-xayuubinta, wuxuuna ku qeexay “afgambi” ka dhan ah.

“Aniga oo maalin kastaba wax cusub ogaanaya, waxaa ii caddaatay in waxa socda aysan ahayn xil ka-xayuubin, waa AFGAMBI, looga dan leeyahay in lagu qaato Awoodda Shacabka, CODKOODA, xoriyaddooda, diintooda, militarigooda, darbiga xuduudda, iyo xuquuqda uu siiyey ilaah ee muwaadin ahaan Mareykan.” Ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka.

Xubnaha Dimoqraadiga ee leh aqalbaiyadda Aqalka Wakiilada ayaa baaris ku haya Trump si ay ogaadaan haddii ay si rasmi ah dacwado ugu soo oogi karaan Trump, ayaga oo adeegsanaya awoodda uu dastuurka u siinayo inay xilka ka xayuubiyaan saraakiisha ku lugta yeesha “Khiyaano qaran, laaluush iyo dambiyo kale oo xooggan.”

Madaxweyne Trump ayaa la tuhunsan yahay in wada-sheekeysi taleefon oo uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy uga codsaday inuu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo ay suurta-gal tahay inuu doorashado 2020 kula loolamo Trump.

Trump ayaa sheegay inuusan wax khalad ah ku sameyn wada sheekeysigii uu la yeeshay Zelenskiy.

xigasho voa