Dawlada xamar Oo Sas Ka Qaaday Soo Dhawayntii Jabuuti Ee Waftiga Madaxwaynaha Jsl Iyo Talaabada Laga Filayo

0

Maamulka Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi farmaajo ayaa sas iyo jahawareer culus ka qaaday soo Dhawayntii Waftiga Madaxwaynaha Somaliland oo maanta Gaadhay Dalka Jabuuti, Halkaasi Uu Kusoo Dhaweeyay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele.

Waftiga Madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Waxaa Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele uu ku Qaabilay Meeqaabka uu ku qaabilo madaxwaynayaasha dalalka Caalamka, Iyadoo waftigan madaxwayne biixi loo Dhigay rooga Karaamada la Saaxiibta ah kuna soo dhaweeyay dhigiisa jabuuti ismaaciil Cumar Geele.

Talaabadan Ayaa Waxay Dhanka kale sas iyo jaho wareer ay ku riday madaxda somaliya kuwaasi o mudooyinkii Udanbeeyay Dagaal Iyo In AY xidhiidhka ugaayaan ay isticmaalayeen dalka sidan oo kale u qaabila madaxwaynaha somaliland iyagoo horena ushaaciyay in cidkasta oo somalilad uqaabisha si dawlad madaxbanaan ay xidhiidh ujarayaan.

Maamulka Madaxwayne farmaajo ayaa xidhiidhka hore ugu jaray dalka gini oo meeqaabkan oo Kale kusoo dhaweeyay Somaliland,Wallow kii dalka Gini ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland uu ka baratakool sareeyay kan madaxwaynaha jabuuti ku soo dhaweeyay.

Wararka Caawa laga helayo Villa somaliya iyo Xukuumada Madaxwayne farmaajo ayaa sheegaya in soo dhawaynta madaxwaynaha jabuuti ay ka yeesheen kulan ay kaga arin sanayaan jawaabtii ay ka bixin lahaayeen iyo ficilka ay ugu jawaabayaan jabuuti,

Dhanka kale xogaha laha helayo xukuumada farmaajo ayaa intaa u daray in arintani ay ku noqotay “madax geel Qaadaaba Dhig” Ismarkaana Laga filan karo in ay ku adkaato in dawlada Jabuuti ay yidhaahdaan sidii gini oo kale ayaanu xidhiidhka ujarnay, soboba la xidhiidha saamaynta siyaasadeed ee ay ku leedahay dawlada jabuuti xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay, madaxwayne farmaajo oo ciidamada uu badan ee nabad ilaalinta ujooga ay yihiin kuwa jabuuti halka dhowr jeerna ay dawlada jabuuti shirar dib uheshiisiina uqabatay hogaamiyayaasha kooxaha somaliya ku loolama,

Sikastaba ha ahaatee waxa laga war sugu doonaa talaabada ay somaliya kaga fal celiso soo dhawaynta dalka jabuuti ay usamaysay waftiga Madaxwaynaha Somaliland.

Labada todobaad ka hor ayay ahayd markii wafti uu Madaxwaynaha somaliya Hogaaminayay Ay sidan oo kale loogu soo dhaweeyay dalka jabuuti.