Maxay usoo noq-noqdaan weerarrada shisheeye naceybka ee Koonfur Afrika

0

Dad rabshado samaynaya ayaa maalmihii la soo dhaafay qalalaaso xooggan ka abuuray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo gubay gawaari, boobna kula kacay dukaamo ay inta badan leeyihiin dad shisheeye ah.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ayaa falkaasi ku tilmaamay dembi iyagoo ka gaabsaday inay ugu yeeraan weerarro shisheeye naceyb ah.

Balse dowladda Nigeria oo ku doodaysa in la beegsaday ganacsiyo ay muwaadiniinteeda ku leeyihiin Johannesburg ayaa u yeertay safiirka Koonfur Afrika dalkeeda u jooga.

Dowladda Koonfur Afrika ma ururiso xogta weerarrada ama hanjabaadaha ka dhanka ah dadyowga shisheeyaha ee dalkeeda ku nool.

Haseyeeshee xarunta African Centre for Migration & Society (ACMS) ayaa tan iyo sanadkii 1994 waxay isha ku haysay weerarrada noocaasi ah ee ka dhaca guud ahaan Koonfur Afrika. Waxa ay xaruntaasi xogta ka heshaa warbaahinta, dhibbanayaasha, goobjoogayaasha iyo dadka u ololeeya ka hortagga weerarradaasi.

ACMS ayaa sheegtay in weerarrada shisheeye naceybka ay meeshii ugu saraysay gaareen sanadihii 2008 iyo 2015.

Weerarro mar qura ka bilowday guud ahaan Koonfur Afrika ayaa sanadkii 2008 waxa lala beegsaday muhaajiriinta iyo qaxootiga, waxaana la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 60 qof, halka barakacana uu gaaray kumannaan kale.

Sanadkii 2015, weerarro shisheeye naceyb ah oo inta badan ka dhacay magaalooyinka Durban iyo Johannesburg ayaa horseeday in dowladda ay howlgeliso milaterigeeda si loo joojiyo rabshadaha.

Bishii Maarso ee sanadkan ayaa dowladda waxa ay bilowday olole shacabka lagu wacyigelinayo isla markaana lagu wanaajinayo adeegyada ay helaan dhibbanayaasha fuquuqa.

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi, balse waxa ay ugu baaqeen xukuumadda inay weerarrada u aqoonsado kuwo salka ku haya naceybka loo qabo shisheeyaha.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Koonfur Afrika ee Democratic Alliance ayaa bishii Oktoobar 2018 ku eedeeyay xisbul xaakimka ANC inuu huriyo rabshadaha shisheeye naceybka ah.

Xagee ayay ka yimaadeen muhaajiriinta?

Ku dhawaad boqolkiiba 70 shisheeyaha Koonfur Afrika ayaa kasoo jeeda dalalka deriska la ah ee Zimbabwe, Mozambique iyo Lesotho.

Tirada soo hartay ayaa ah dad ka kala yimid Malawi, UK, Namibia, eSwatini (oo markii hore la oran jiray Swaziland), Hindiya iyo dalal kale oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa BBC-da u sheegtay in qiyaastii 3.6 milyan oo shisheeye ah ay ku nool yihiin dalkaasi shacabkiisu ka badan yahay kontonka milyan.

Gobolladee ayay ku badan yihiin weerarrada?

Gobolka Gauteng oo ay ku yaallaan magaalada Koonfur Afrika ugu weyn ee Johannesburg iyo caasimadda Pretoria ayaa ah halka ay ka dhacaan weerarrada ugu badan ee shisheeye naceybka ah.

Sida ay sheegtay xarunta ACMS, waxaa kaalimaha labaad iyo saddexaad ku kala jira gobollada Western Cape iyo KwaZulu-Natal oo ay ku taal magaalada Durban.

Weerarrada ayaa inta badan ka dhaca magaalooyinka waaweyn, balse waxa sidoo kale laga soo sheegaa degmooyinka iyo tuulooyinka.

Waxa ay inta badan ka dhashaan muran hoose oo u dhexeeya dadka dalka u dhashay iyo ajaaniibta oo lagu eedeeyo inay qaataan shaqooyinka ay u baahan yihiin Koonfur Afrikaanka.

Dhaqaalo xumida ka jirta Koonfur Afrika ayaa ka dhigtay in boqolkiiba 27 dadka dalkaasi ay shaqo la’aan ahaayeen dhammaadka sanadkii hore.