Fifa Oo Shaacisay Magacyada Sadex Ciyaartoy Oo Ku Tartamaya Abaal Marinta Sanadka Ee The Best

0

Xidhiidhka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa shaaciyey magacyada sadex ciyaartoy oo iskugu soo hadhay abaal marinta xidiga ugu wanaagsan sanadka ee the Best.

Fifa ayaa sheegtay in difaacyahanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo labada weeraryahan ee Messi iyo Ronaldo ay ku tartami doonaan abaal marinta ay bixiso Fifa ee la siiyo xidiga ugu wanaagsan sanad kasta.

Difaacyahanka Virgil Van Dijk oo todobaadkii ugu dambeeyey ku guulaystay laacibka ugu wanaagsan qaarada yurub oo uu ka horqaaday laacibiinta uu haatan la tartamayo ee Messi Iyo Ronaldo, kaas oo markale wajahi doona tartan xoog leh.

Xidhiidhka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa 23-ka bishan magaalada Milan ee dalka Talyaaniga kaga dhawaaqi doona laacibka la siinayo abaal marinta ay bixiyaan ee xidiga ugu wanaagsan sanadka.