Shirkadaha Koonteenarada oo Lacag Horleh Kordhinaya

0

Shirkadaha  wakiilada u ah  Marakiibta Koonteenarada qaada oo  Kor dhinaya Lacagtii D,O,ga ee ee aay ka qaadi jireen calaa koonteenar,

Shirkadahan Koonteenarada  Wakiilka u ah  ayaa Dhowrkii sanoba mar Kor u qaada   Lacagta aay ka qaataan koonteeenarada,  Sida la Ogyahay  sanadkii 2016 Waxay ku kala kordhiyeen koonteerada ka 20ft $40 halka Ka 40 Ft ah ay ku kordhiyeen $60

Koonteenarka 20ft ah waxaa la qaadi jiray #45 Doolar waxayna ka Dhigeen #85 Doolar

Koonteenarka 40 Ft  ah waxay qaadi jireen 95 waxanay ka Dhigeen #155 Doolar

Iminkana waxaay ka Dhigayaan  Koonteenarka 20 Ft ah $150 Doolar   halka Koonteenarka 40 Ft ah aay ka Dhigayaan  $215 Doolar

Arinkana Ayaa waxaa Horkacaya shirkada MSC oo ah Ta Ugu shaqada badan Shirkadaha ka Shaqeeya Maraakiibta Koonteenarada qaada e dekada berbera

Hadaba  Lacag kasta oo aay Kordhiyaan waxay Fuuli Doontaa Bulshsda  Somaliland  Lamana garanayo sababta kaliftay in aay Xiligan Ku fakiraan in aay Cidhiidhi sii galiyaan  Umada Somaliland ee Haduun kazoo Doogaysa Sicir bararkii iyo Abaarihii waayo  lacagtaasi marka lasaaro ganacsatada  wax kala soo degta dekada berbera  iyaguna shacabka ayuun bay fuulayaan intay waliba  laban laabaan lacagtaa  shirkaduhu ka qaadeen

Lacag Kordhintan aya Bilaabmi Doonta 7 July e 2019 sida ku cad warqada sirta ah e shirkada MSC Laga Helay Taas oo  warbaahintu heshay ,

Dhanka kale Wasaarada Horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Jamhuuriyada Somaliland  ayaad Moodaa Inaay ka gaabinayso xakamaynta  Shirkadaha n aan cidna waxba iskaga tirinayn ee markay doonaanba lacagta korodhsanaya waxaana suura gala in arinkan buuq badani ka dhasho oo ganacsatadu ganafka ku dhufato  inta muranku jirana  shaqo joojin aay dhacdo hadaan si deg deg ah xukuumadu uga hortagin