Dawlada Cuman oo 40 milyan oo doolar ku maalgalinaysa sibidhka berbera iyo shirkado labada wadan ah oo kawada shaqayn doona

0

Shiarkadaha SAOG iyo MSG Group ayaa si wada jir ah ugu heshiiyey inay soo saaraan sibidhka magaalada Berbera.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay shirkada SAOG oo laga leeyahay dalka Cumaan, waxa lagu heshiiyey in shirkadaasi ay qaadato saami dhan 55% halka shirkada MSG oo laga leeyahay somaliland ay qaadan doonto 45%

 

.

Sida ay shaacisay shirkada laga leeyahay dalka cumaan ee SAOG, xukuumada somaliland wax saami ah kuma laha qorshaha lagu soo saarayo sibidhka magaalada Berbera.

Dhinaca kale ma jiro war ka soo baxay xukuumada somaliland oo ku saabsan qorshahan ay shirkada SAOG shaacisay in lagu soo saarayo sibidhka magaalada Berbera.

Sidoo kale waxa hore u jiray heshiis aan fulin oo ay xukuumadii hore ee xisbiga Kulmiye ku bixisay in sadex shirkadood ay soo saaraan sibidhka magaalada Berbera, shirkadahaas oo kala ahaa Dahabshiil, Berbera Cement iyo Kipko Kuwait Company kuwaas oo dhamaantood lahaa saami isku mid ah oo gaadhayey 30% halka dawladu ku lahayd 10%.

Dhinaca kale waxa soo baxaya warar sheegaya in dawlada Cumaan ay doonayso in lacag gaadhaysa 40 Milyan oo doolar ay ku maalgaliso sidii loo saari lahaa sibidhka magaalada Berbera.