Ethiopia oo Mamnuucday Noocyo Ka Mid Ah Saliida Wax Lagu Karsado iyo Cuntooyinka Caruurta

0

Maamulka Dawooyinka Iyo Raashinka ee dalka Ethiopia Oo ayaa xayiraad saaray noocyo ka mid ah cuntada iyo noocyo dawooyinka ah kuwaas oo heerkii loogu talo galay tayadoodu ka hoosayso.

Wax soo saarkan laga joojiyey suugyada ayaa la ogaaday in aanay llahayn ciwaano sax ah oo tilmaamaya cidii soo saartay iyo shuruudo kale oo ay dawladdu tilmaanta.

Dawladdu waxay sidoo kale ay sheegtay in inta badan wax soo saarkan lagu farsameeyo laguna qaybiyo caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.Waxaanay shacabka dalkaasi ugu baaqday in aanay isticmaalin alaabtaasi la mamnuucay. Waxaanay dawladu sidoo kale ay kula talisay dadweynaha inay bileyska kala soo xidhiidhaan Lambarkan 8482 iyagoo fariin qoraal ah usoo diraya markasta oo ay ogaadaan in suuqyada lagu iibinayo alaabtaasi la joojiyey oo ay ku soo wargaliyaan.

Alaabta laga mamnuucay suugyada dalka Ethiopia ayaa waxa ka mid ah todoba nooc oo Saliida wax lagu karsado, cuntada caruurta, Noocyo ka mid ah badharka laga sameeyo Lawska, todoba nooc oo milix ah, Malab, iyo laba iyo toban noocyo Badharka ka mid ah.

Noocyada Alaabtan la mamnuucay ayaa magacyadooda waxay dawladu ku sheegtay sidan:- Fikir Mitin, Mass Children food, Tewedaj hayl Sechina Genbi yehitsanat migib, Sime yehitsanat Mitin Genfo, Family hayl Sechina Genbi yehitsanat migib, Abadir, Hirut Hitsanat, Hirut Baltina, Ayu Lelijoch yetezegaje Mitin migib, Michu 100 percent yizetun Yetebeke Yehitsanat Migib and nourish your babies fiker.

Noocyada Milixda ee la mamnuucay ayaa iyaguna waxay kala yihiin sidan:- Shoa Table Salt, Greep Iodized Salt, Sname Iodized table Salt, Abate Iodized Salt, Refined and iodized woef table Salt, Mirt Yegebeta Chew and Abet Yegebeta Chew.

Noocyada Badharka laga sameeyo Lawska ee la mamnuucay ayaa iyaguan waxay kala yidhiin: – Eden, Tsige, Tsegaye, Matif, Misrak, tadelle, Mieraf Yetashegu Migboch, Hibret, Desta, Sara, Senait and Abyssinia Peanut Butter.

Noocyada Saliida wax lagu karsado ee la joojiyey ayaa iyaguna waxa ka mid ah:- Tsedey, Nur, Omega, Kibe Lemine, Sebir, Yamu, Mera, Fitsum Kemer, Negra and Kebelemen.

Noocyada Malabka la mamnuucay ayaa waxa ku jira kuwan: – Habesha, Terses, Nitsuh mar, Ethio, Mar and Right Honey.