Nin madaxweyne dhaawac halis ah u geystay oo dembi lagu waayay

0

Nin toori ku dhaawacay madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, intii uu socday ololihii doorashada ee Sebtembartii hore ayaa wax dembi ah lagu waayay, kadib markii uu gorsoore dalkaasi u dhashay xukumay in ninkaasi uu maskaxda ka xanuunsan yahay.

Sharciga Brazil ayaa dhigaya in Adélio Bispo de Oliveira aan la xukumi karin, maadaama aanu si buuxda u ogeyn waxa uu ku kacay marka uu falkaasi geysanayay, sida uu sheegay garsooraha.

Haseyeeshee waxa uu amray in Mr de Oliveira xabsiga lagu hayo intii muddo ah si looga daweeyo xanuunka dhimirka.

Madaxweyne Bolsonaro ayaa sheegay inuu go’aankaasi racfaan ka qaadan doono.

“Waxaan xukunka kala hadli doonaa qareenkayga, anigoo samayn doona wax kasta oo macquul ah,” ayuu madaxweynaha la dhaawacay u sheegay warbaahinta

Madaxweyne Bolsonaro ayaa qalliin lagu sameeyay kadib dhaawaca kasoo gaaray tooridda uu ninka kusoo weerarray. Waxa uu rumaysan yahay in falkaasi uu ahaa mid ay siyaasadi ka dambeyso oo ay soo maleegeen shakhsiyaad kale.

“Waxa ay iskudayeen inay i dilaan. Waan hubaa cidda ay ahaayeen, balse ma sheegi karo, waayo ma doonayo cid gaar ah go’aan ka gaaro,” ayuu intaa raaciyay.

Garsooraha ayaa dhowr todobaad ka hor amray in baaritaan caafimaadka maskaxda ah lagu sameeyo Mr de Oliveira ka hor inta aan go’aan laga gaarin kiiskiisa.

Mr Bolsonaro oo 64 jir ah ayaa toori laga geliyay caloosha, waxaana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray xiidmaha, oo waxaaba ka baxay boqolkiiba 40 dhiggiisa. Xilligaasi waxa uu ku sugnaa isu soo bax uu taageerayaashiisa kula hadlayay oo ka dhacayay Minas Gerais.

Cisbitalka ayaa loola cararay, waxaana intii muddo ah uu ku jiray qeybta dadka xaaladoodu liidato, isagoo ay colaasha uga jirtay bac wasakhda looga guro, taasoo markii dambe laga bixiyay bishii January ee sanadkan.

Mr Bolsonaro, oo hogaanka Brazil la wareegay horraantii sanadkan ayaa aaminsan siyaasadda midig fog, waxaana qaar kamid ah xeel dheerayaasha siyaasadda dalkaasi ay barbar dhigaan madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Adélio Bispo de Oliveira, ayaa dhanka kale aaminsan afkaarta garabka bidix, waxaana uu si weyn u dhaliili jiray siyaasadaha Mr Bolsonaro. Markii uu falkaasi geystay ayaa waxaa gacanta ku dhigay oo garaacay taageerayaasha madaxweynaha, ka hor inta aanay la wareegin booliska Brazil.