Salaadiinta Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Shirka Boqor Buurmadow Ku Dhawaaqay

0

Salaadiinta Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee uu sheegay inuu labadan Beelood uu Shir ugu qaban doono Magaalada Burco.

Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, iyo Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, ooWargeyska Geeska Afrikawax ka weydiiyey aragtidooda ku wajaahan Shirkan uu Boqor Buurmadaw ku baaqay iyo waxay kala socdaan ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, waxaa uu sheegay in aanu haba yaraate aanu waxba kala socon, cid soo ogeysiisayna aanay jirin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Shirkan la leeyahay waxaa loo qabanaya labada Beelood, wax alaale wax aan ka ogahay oo aan kala socdaa ma jirto, Shirkan cid I soo ogeysiisay ma jirto, waxaan ka ogahayna iyo waxaan kala socdo toona ma jiraan”

Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, isla markaana ah Suldaanka Sacad Yooniska, ayaa isna wuxuu dhankiisa tilmaamay in aanu waxba kala socon Shirkan, balse labada Beeloodna ay u yalaan hawlo ka muhiimsan kana culus Shirkan Buurmadaw ku baaqay, waxaanu yidhi “Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee ku saabsan labada Beelood ee walaalaha ah waan maqlaayey, laakiin labada Beelood ee Habar Jeclo iyo Habar Yoonisba, hawlo ka culus kana muhiimsan Shirkan Boqor Buurmadaw ayaa u yaala, oo ay ka mid yihiin hawlihii qabyalada ka ahaa heshiiskii labada Beelood, ee Ceel-afweyn, waxaana muhiim ah in si wada jir ah loo wada dhamaystiro hawlaha qabyada ka ahaa Shirkaas, sida in magtii la bixiyo, in aad looga digtoonado in dhib dambe dhacod, labadan Beeloodna, waa laba Beelood, oo aan sinaba u kala go’ayn, sinabana u kala tagaynin, Shir labada Beeloodna waa loo qaban kara, danahoodana wey ka wada shiri karaan, laakiin maanta wakhti Shir la qabto maaha”.

Dhanka kale Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo isna aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino fikirkiisa yo aragtidiisa ku waajahan Shirkan Boqor Buurmadaw ku baaqaay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.