Mudo araadayaasha Soodaan oo Labo Kacleeyaay iyo Ciidamada Sudan oo dilay dibad-baxayaal

0

Ugu yaraan shan qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha dalka Sudan ayaa dhintay, kaddib marki ay ciidamada millatariga weerareen koox ka mid ah bannaanbaxayaasha oo ku sugnaa bannaanka xarunta taliska millatariga ee Khartoum.

Guddiga dhaqaatiirta Sudan ayaa xaqiijiyay dhimashada shanta qof, halka ururka Iskaashatada Xirfadleyda Sudan ay waxa hadda ka socda Khartoum ku tilmaameen xasuuq.

Iskudhacyada khasaaraha sababay ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ciidamo ka tirsan millatariga isku dayeen in ay xooog ku qaadaan jidgooyooyin ay dibadbaxayaasha ku kacsan xakunka millatariga ka sameysteen banaanka xarunta millatiga ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Wariyaasha ayaa kusoo warramaya in ay arkeen ciidamo farabadan oo aad u hubeysan oo la dhigay dhamaan wadooyinka caasimadda, halka dadka bannaanbaxyada wada ay iyana xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay golaha milatari ee xakuma Sudan, in ay joojiyaan awoodda ay u adeegsanayaan dadka sameynaya dibadbaxyada.

Dibadbaxayaasha ayaa wacad ku maray in aysan ka tagi doonin bannaanka xarunta looga taliyo millatariga ilaa uu millatariga talada ku wareejinayo dowlad rayid ah.