Sheekh Umal oo sheegay in ay barri oo Talaado ah Ciid tahay

0

Iyadoo muslimiinta ay maanta Soomeen maalintii 29-aad ee bisha Ramadaan ayaa waxaa meelo ka mid ah dalalka Islaamka looga dhawaaqay in Talaadada barrito ah ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan Kenya ayaa BBC-da u sheegay in dhalshada bisha Shawaal laga arkay meelo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Garissa iyo Mandheera.

“Aragtida bisha waxaan ka xaqiijinnay dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya sida deegaanka Korkora oo hoos taga Garissa iyo xerada qaxootiga Xagardheer, oo isla Garissa ah, waxaa kale oo aan ka xaqiijinnay ilaa 3 meelood oo ka tirsan Mandheera”, ayuu yidhi Sheekh Umal”.

Sidoo kale aragtida bisha soon fur ama Shawaal ayaa maanta oo Isniin ah laga arkay dalka Sacuudiga, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah warbaahinta ugu caansan bariga dhexe.

Bogagga ay internet-ka ku leeyihiin telefishinka Al-Carabiya iyo wargeyska Khaliij Times ayaa lagu shaaciyay in boqortooyada Saciidiga looga dhawaaqay dhalashada bisha Soonfur.

Arrintan ayaa ka dhigan in maanta oo Isniin ah ay soo gaba gabowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan, halka barri ay noqoneyso maalinta 1-aad ee munaasabadda Ciidul Fitriga.

Inta badan dunida muslimka ayaa laga soomay 29, iyadoo lagu warramay in bishii Shacbaan ay ku dhammaatay 30 maalmood.

Malaayiin qof oo muslimiin ah ayaa la filayaa inay xusaan munaasabadda Ciidda oo sannad walba ay u dabaal dagaan.

Hase yeeshee Indonesia oo ah waddanka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka ayaa looga dhawaaqay in munaasabadda Ciidda looga dabaal dagi doono maalinta Arbacada ah.