Ergayga Cusub Ee Qaramada Midoobay Iyo Milicsiga Aragtidiisa Somaliland Iyo Wada Hadalada Hargeysa & Muqdisho

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa khamiistii wuxuu ergaygiisa arrimaha Soomaalida u magacaabay danjire James Swan, oo ah diblomaasi Maraykan ah oo khabiir ah. James Swan ayaa sidoo kale wuxuu noqon doonaa madaxa xafiiska Qaramada Midoobay.

 

Haddaba, ergaygan oo Maraykanka hore ugu ahaa safiirkooda u qaabilsan Soomaalida, ayaa waxa ay dad badani isweydiinayaan aqoonta uu u leeyahay Somaliland iyo xogta uu ka hayo, maadaama oo ay Somaliland xudun u noqon doonto shaqada iyo xilka uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa dib ugu noqday kaydka uu ka hayo ergayga cusub ee Maraykanka ah oo hore si waafi ah uga hadlay qaddiyadda Somaliland, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo gobalka ku saabsan.

September 2012

Bishii September ee sannadkii 2012, wuxuu danjire James Swan ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjire James Swan, oo markaas ahaa safiirka dalka Maraykanka u qaabilsana Somaliland iyo Somaliya ayaa shirjaraa’id oo ku qabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu ku sheegay in wejigii hore ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qorsheeyay sidii uu wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa mustaqbalka. Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo la xidhiidhay hadal uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas la doortay uu ku balan qaaday inuu sii wadayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi safiirku “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho ee Ingiriiska iyo Norway fududeeyeen, ayaa muhiimadii ugu horeysay ee wada hadaladaasi noqdeen kuwo lagu qorsheeyo sida mustaqbalka wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa. Sidoo kale, waxaan filaynaa in qorshahaasi sii socon doono, iyagoo ku dhisan sidii bilowgii ay ku heshiiyeen, kuna bilaabi doonaan inay qorshe dhigtaan, oo bilowga la cadeyn doono qodobada wada xaajoodka mustaqbalka lagu soo qaadan doono. Laakiin, taasi waxay u muuqataa mid ku soo kordhaysa hawlahii labada dhinac oo xilligan bilaabaya inay qeexaan shuruudaha wada xaajoodkaa.