Xafiiska Maraykanka Ee Muqdisho Oo Soo Bandhigay Sadex Qodobo Oo Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Muuse Iyo Amb Yamamato

0

Xafiiska Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan maanta dhexmaray madaxweyaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka maraykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi ayaa qaabilay safiirka maraykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamato oo maanta booqasho ku yimid somaliland, iyada oo madaxtooyada somaliland warbixin ka soo saartay.

Dhinaca kale War kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee uu leeyahay xafiiska maraykanka ee Soomaaliya isla markaana ka furan Muqdisho ayaa lagu soo baahiyey sadex qodob oo muhiim ah oo safiirka maraykanka ee soomaaliya Yamamato.

Warka ayaa intaas ku daray in Amb Donald Yamamato uu madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay arimo la xidhiidha siyaasada geeska Afrika ee isbadbadalaysa, horumarka iyo taageerada bani aadaminimo.