Itoobiya Oo Shaacisay Tirada Masuuliyiin Xabsiga La Dhigay Iyo Eedaymaha Loo Haysto

0

Dawlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday tirada xubno ka shaqaynayey hay’addaha xukuumada oo loo qabtay falal musuq maasuq oo ay gaysteen.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno gaadhaya 59 qof oo gaystay falal musuq maasuq isla markaana qaban qaabinayey inay sameeyaan falal amni daro ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa sheegay in xubnahan la qabtay ka dib markii ay guddida la dagaalanka musuq maasuqu ay baadhis ku samaysay mashaariic la fulinayey iyo qaabkii loo bixiyey, iyada oo baadhistuna qaadatay mudo sadex bilood ah.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa sheegay in baadhista lagu qabtay lacag gaadhaysa $23.7 Million oo laga lunsaday mashaariic dan guud ah oo wadanka lagu keenayey cunto, isaga oo xusay in dadweynuhu ay iska soo ururiyeen lacagtaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa sidoo kale sheegay in dhismayaal loo hirgelinayey iskaashatada biyaha laga lunsaday lacag gaadhaysa 55 Million Bir oo ah lacagtii dadweynaha.

Dhinaca kale masuuliyiin ka socday wakaalada cunada iyo dawooyinka ee Itoobiya ayaa la xidhay ka dib markii lagu eedeeyey inay lunsadeen lacag gaahaysa 79 Million Bir oo loogu tala galay in wadooyin iyo qalab kale lagu soo iibiyo.